Juba (AGGM): Waxaa saaka markale uu dagaal ka bilowday magaalada Juba ee casasimada Sudaanta Koonfureed.
Dagaalkan ayaa xoogiisa ka socda nawaaxiga Xeryaha ciidamada dowlada oo ku yaal meel 2 km u jirta bartamaha magaalada Juba.
Madaxweynaha Sudaanta Koonfureed, Salfakiir ayaa shalay bandow kusoo rogay magaalada wuxuuna sheegay in ciidamo ka amar qaata Kuxigeenkiisii hore Mr.Riek Macharay ay isku dayeen inay afgembi sameeyaan. Macharay ayaa xilka laga fariisiyey todobaad kahor kadib markii ay isku dhaceen Madaxweynaha.
Dowlada ayaa shalay warbixintii ay kasoo saareen dagaalka ka socda magaalada Juba ku sheegay inay guud ahaan magaalada Juba gacanta ku hayaan dagaalkana uu joogsaday.
Balse dagaalka saaka markale kale bilowday magaalada Juba ayaa muujinaya in xaaladu aysan weli degenayn.
Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga….
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com