Muqdisho (AGGM): Dr. Cabdi Shire Warsame oo ka ahaa wakiil Madaxweynaha Jubbaland Col, Barre Aden Shire “Bare Hiiraale” ee heshiiskii Muqdisho ay ku gaareen dhinacyadii isku hayay maamulka Jubooyinka iyo Gedo ayaa waxaa uu ayaan-darro ku tilmaamay wasiirada maamulka Jubba ee uu Ahmed Madoobe ku dhawaaqay.
Wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu Dr, Abdi Shire Warsame ayaa ku sheegay in talaabadaasi uu qaaday Axmed Madoobe aheyd mid jabineysa hishiiskii horey Muqdisho loogu gaaray. Isagoona intaasi ku daray in ay soo kala fogeyneyso dhinacyadii awalba isku hayey gobollada Jubooyinka.
” Axmed Madoobe waxa isku kaaya keenay waxaa uu ahaa heshiiskii Adis Ababa kaasi oo xaqiiqdii ay aheyd markii hore inuu dhexmaro anaga iyo Ahmed Madoobe balse ay dowlada isaga la gashay.
Dowladana sida aad la socoteen khilaafka qeyb kama aheyn ee waa dowladii dalka. Iyada oo ay taasi jirto ayaan haddana aqbalnay wixii kasoo baxay shirkaasi si dadkeena aan ugu turno kadibna aan ka qeybgalnay shirkii Muqdisho ee kaasi daba socday’ ayuu yiri Dr, Abdi Shire Warsame oo intaasi ku daray .
Wareysigan oo Dhameystiran Hoos Ka Dhageyso
Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…
Dhageyso Wareysiga Dr Abdi Shire Warsame
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com