Ilaahow aanaan caqliga waayin. Ilaahow naga kori Cadaabta aduun iyo ta aakhiroba.
Waxaa la yidhi : La hubsayoo, Gorayo haad noqon weydey.
Sideedaba Soomaalidu, siiba ta Federaalka Soomaaliya (een shinkeedu buuxsamin) wali mey Fahmin waxa ay tahay “Dowladnimadu” ama Qaranimadu.
Hadii si walba la isugu dayey in si cilmiyeysan looga raarido in ay Dowladnimadu tahay nidaam lagu heshiiyo iyo wax ay wadaagaan, oo ka dhaxeeya, isu keena, iskuna haya Ummad, Mujtamac, Qowmiyado iwm, kuna kala hagaagaan, kalana haga, Soomaali lagu kari waa.
La ogaayoo Caalimkooda iyo Caamahooduba waxey ka simanyihiin, oo muggii maskaxdooda raxeeyey mid aaney is qaadan kareynin Qaranimada (Dowladnimada) oo ah Qabyaalad.
Bal eegoo Canshuur diid ma lihin. Waxaynu se leenahay Qaadhaandiid.
Sidoo kale waxaa qalbigooda buux dhaafiyey Dhaqan Soomaali. Kitaabka ugu sharafta badan kuwa ilaahey soo dejiyey ee Qur’aanka Kariimka ah iyo Dhaqanka Soomaaliduna isma qaadan karaan marka aynu ka hadalayno Dowladnimada.
Nin Soomaaliyeed baa wuxuu ka mid ahaa dad meel isugu yimid oo dhageysanayey nin Sheekh ah oo dadka wacdiyayey. Isagoo oohin hiqdaa haya ayaa waxaa arkey ninkale oo ay is ag fadhiyeen. Markii wacdigii dhamaaday ee golihii lagu soo kala kacay, ayuu nin kii kale weydiiyey in wuxuu la ooyayey ahaa Qushuuc uu u qushuucay wacdigii sheekha.
Wuxuu ugu jawaabey: War maxaan u qushuucayaa, ma habar fudud baan ahay. Waxaan la ooyay, Orgi aan aad u jeclaa oo dayac igaga bakhtiyey gadhkiisii ayuu gadhka Sheekhu i soo xasuusiyey.
Wadaad kale oo wacdiyayey rag u badnaa dhalinyaro, ayaa hadalkiisii ku darey: Wax iska celiya, oo intii Xoolaha reerihiina la dhici lahaa, idinku wax dhaca. Rabbi ka cabsigana ha ka tagina. Nin dhalinyaradii ka mid ahaa ayaa wuxuu ku yidhi Wadaadkii: Wadaadow wax iska celiya iyo Rabbi ka cabsada meel ma wada galaan.
Dhaqamada kala duwan ee ka jira aduunka, kuligood waxay saameyn ku leeyihiin habka loo dhaariyo Mas’uuliyiinta. Qaarkood waxey ku dhaartaan Qorraxda, Xubnaha jidhkooda, Gabdhahooda, Xoolahooda iwm.
Qaar kale waxey ku dhaartaan Kitaab Diini ah oo ay aaminsanyihiin Iyo dhaqan wada socda.
Danjire Muslim ah kii ugu horeeyey ee uu Mareykanku magacaabey oo magaciisa la yidhaahdo
Dr. Osman Saddiiq ayaa markuu dhaaranayey ku dhaartey Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah isagoo hoostana ka galiyey Kitaabka Bibleka si uu u raaligaliyo kalsoonina uga helo kuwa ay Nidaamka Dowladnimada wadaagaan ee u badan Masiixiyiinta aaminsan Bible ka.
Waxaa hadaba ka Sharaf iyo Karaamaba badnaa, Keith Ellison oo ahaa Muslimkii ugu horeeyey ee loo doortay Aqalka Wakiilada Mareykanka. Keith waxaa laga soo doortay Gobolka ay Soomaalidu ku badanyihiin ee Minnesota. Keith wuxuu si geesinimo leh u diidey inuu labada kitaab ee Qur’aanka Kariimka ah iyo ka Masiixiga ee Bible ka ku wada dhaarto. Keith waxaa lagu dhaariyey Kitaabka Qur’aanka nuqul ka mid ah oo ku turjiman luqadda Ingiriiska. Kitaabka lagu dhaariyey Keith waxaa lahaan jirey Thomas Jefferson oo ahaa Madaxweynihii 3aad ee Mareykanka sanadihii 1801 ilaa 1809.
Sidoo kale Yuhuuda Mareykanka ah ee loo magacaabo Xilalka muhiimka ah, ayaa intooda badan waxey ku wada dhaartaan Kitaabka Tanakh ee Yuhuuda iyo Bible ka Masiixiga, si ay kalsooni u helaan.
Waxaa layidhi: Duco aan lagaa aqbalayn aamiin lama yidhaahdo.
Bani aadamku waxyaabaha uu wax ku qaato ee uu ka faa’ideysto, waxaa ka mid ah khaladaadkoodaa. Waxaanse arkayaa Shacabka Soomaaliyeed oo taa ka duwan. Waa shacab aan ka faa’deysan khaladkooda. Waa Shacab aamiinta haya, Duco ay ogyihiin in aan laga aqbaleyn iyo Dhaar ay ogyihiin in aan la oofineyn oon mar ahayn, oon laba ahayn, oo joogto ah.
Waa shacab dharaar walba hortooda lagu dhaariyo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, kuwo lagu doorto ama lagu magacaabo hab gaar ah, oon Diin iyo Dowladnimo toona waafaqsaneyn.
Waxaynu wada ognahay in Xilalka hogaanka qaranka ugu sareeya, lagu soo xulo hab lagu heshiiyey oo waafaqsan Dhaqan Soomaali iyo Qabyaalad.
Mas’uuliyiinta lagu soo xulo hab Dhaqanka iyo Qabyaaladda, waxaa lagu dhaariyaa Kitaabka Qur’aanka. Waxaana loo dhaariyaa sidan:
Dhaarta Hogaamiyaha sare, Wasiirka koowaad iyo xubnaha Wasiirada:
Xigasho (Quote) Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya: Qodobada 96aad & 104aad.
“Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay inaan xilkeyga ugudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diinta kujirto dhowrana dastuurka qaranka iyo sharuucda kale oo dalka uyaala”
Dhaartan waa in wax badan laga badalaa. Waana in wax kasta la qeexaa oo mugdiga laga saaraa, aad moodo in loogu talagalay.
Shacabka Soomaaliyeed, ma wuxuu garan waayey inuu adkeeyo, Kitaabkaa maalin walba hortooda lagu marayo aseen la oofineynin oo inta la dhayalsado la dhinac marayo.
Dastuurku Qur’aan ma aha. Waa wax la badali karo oo la waafajin karo rabitaanka iyo sida kolba ay Shacabka Soomaaliyeed u arkaan in dani ugu jirto.
Hadaba waa ineynu wax ku qaadanaa waxa ina soo maray, Si aynu uga faa’iideysano khaladaadkeenii hore. Waxeynu aragnaa oo xaqiiqo ah in Mas’uuliyiintii Soomaaliyeed aaney wax qadarin ah, alla ka cabsi iyo ixtiraam toona u heynin Qowlka ilaahey iyo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ee ay ku dhaaranayaan.
Waxaa kala muhiimsan oo aan laga yaabin in ay dhayalsadaan aadna ugu weyn Soomaalida Dhaarta Dhaqanka.
Waxaa la yidhi : Colka wadhaf ma lagu dayey.
Dhowaan waxaan arkayey taliyaha guud ee Ciidanka Qaranka Generaal Daahir Indho Qarsho oo la hadlayey kooxo ka tirsan ciidanka. Generaalku wuxuu u sheegay Ciidankaa in ay dhinac mareen Dhaartii oo aaney ku dhaqmin haba yaraatee. Wuxuu u sheegay in loo baahanyahay in kuligood dib loo wada dhaariyo ka u sareeya ilaa ka ugu hooseeya oo loo cosbooneysiiyo dhaartii. Laakiin Generaalku, wuxuu ilaawey, hadey hal mar dhaartaan iyo hadey laba goor dhaartaan in aaney waxba doorineynin, in Dhaarta lafteeda la dooriyo mooyee.
Hadaba waxaan talo ahaan u soo jeedinayaa : Laga bilaabo Qeyloweyne Tarsan, (oo wax badan oo la taaban karo ka qabtay Caasimadda intii uu xilka hayey) Cirweyne Caydiid iyo Mas’uuliyiinta dhowaan la dhaarin doono iyo kuwa kale ee hadda Xilalka Muhiimka ah haya oo iyagana dib loo Dhaariyo iyadoo la isugu darayo:
Dhaarta Magaca ilaahey iyo Kitaabka Qur,aanka Kariimka taasoo ah, tan ugu muhiimsan, ilaaheyse garansiinwaayey Soomaali Maxamed intooda xilalka haysa.
Dhaarta Dhaqanka iyo Xoolaha oo iyadu hadeynu Soomaali nahay inagala weynaatey ta Kitaabka iyo Magaca ilaahey aynu ku marno. Dhaarta Dhaqanku waa mid ay adagtahay in shakhsiga Soomaaliga ahi uu dhayalsado ama uu oofinwaayo wuxuu u marey. Hadduuba maro.
Iyadoo siyaabo kala duwan loogaga dhawaaqo Gobolada dalka, Dhaarta Dhaqanka ee Ragga waxaa ka mid ah: Xilaha, Xiniinyaha, Xoogga, Xoolaha, Awlaada iyo Qoodha.
in badan beynu aragnaa Soomaali intuu dur-duro ku maray kitaab hadana oofinwaayey. Weyse adagtahay inaynu aragno Soomaali ku dhaartay Xilihiisa iyadoo ag taagan ama arkeysa oo aan oofineyn oo intuu dhayalsado dhinac maraya.
Dhaarta Dhaqanka Dumarka Soomaaliyeed waxay u badantahay, Xubnaha Jidhkooda. Waxaa ka mid ah: Rimeyga, Caloosha, Awlaada, Indhaha, Aabaha iyo Hooyada.
Dumarka Soomaaliyeed ilaahay ha daayee, wax dhiba Dadka iyo Dalka toona kuma hayaan. Dheef mooyee. Waxaa tusaale idiinku filan: Talo xumadii Xasan & Tayadii Sare ee Yusur.
Wax waliba waa niyadda. Ilaahey wuxuu ina farayaa in aynaan taabanin Kitaabka Qur’aanka ah hadeynaan daahir aheyn. Waxeynu arkeynaa dad Mas’uuliyiin ah oo dharaar walba shacabka hortooda Kitaab ku maraya. Waxaa kaloo aynu arkeynaa iyagoo dhayalsanaya dhaartii ay mareen. Waxyaabaha ku dhiiri galinaya iney dhinac maraan dhaarta waxaa ka mid ah :
Iyadoo aanuu shakhsiga dhaaranayaa afka ka sheegin, in wax kale oo u qarsoon oo uu niyada ku haystaa aaney haba yaraatee jirin.
Shakhsiyadda Dhaariyaha oo dareenka la dhaariyaha saameyn weyn ku yeelan karta.
Iyadoo aaney waadix aheyn Magaca Dalka iyo dadka loo dhaaranayo oon inta badan afkaba la soo marin – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxaan ku talinayaa, in si dhakhso ah dhaartan Dastuurka ku jirta wax looga badalo oo la tix galiyo waxyaabahan kor ku xusan oy ugu horeyso Dhaarta Dhaqanku oon aaminsanahay in ay dareenka Mas’uulka dhaarta maraya wax weyn ka badali doonto. Shacabkana Kalsooni ku abuuri doonto.
Waxa la yidhi : Nimaan hadal hooyadii waxba ma siiso.
Waxaan qirayaa in Qowlka eebe ee Kitaabka Quraanka Kariimka ah oo la cuskado, laguna dhaqmaa ay tahay tubta qudha ee aynu ku gaadhi karno in ilaahey inaga raali noqdo inooguna yabooho naxariistiisa aduunyada iyo ta aakhiroba.
Waxaan isla markaa xasuusinayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay ka dhiidhiyaan Dhaartan inta la maro dharaar walba aan laga dhabeyneynin. Waa inay meel kasta oy joogaan ay dareenkooda ku muujiyaan in aaney u dulqaadan doonin dib danbe kitaab Dhaar been ah lagu maro oyna xitaa ku cadeyn Dalka iyo Dadka loo dhaaranayaa kuwa ay yihiin.
Waa in arintaa la weyneeyaa laguna dadaalaa sidii la isugu xoogeyn lahaa Dhaarta Kitaabka iyo ta Dhaqanka si aynu uga badbaadno Cadhada ilaahey iyo Camal xumada Mas’uuliyiinta iyo kuwa kale ee la dhaarinayo.
Shacabka soomaaliyeedow halka sartu ka qudhmeysaa waa Guduunka Baarlamaanka. Shacabkan cid u maqan ma jirto. Cid u hadleysaa ma jirto. Wax aanuu qabsan cid kale oo u qabaneysaa ma jirto. Dad indho la’ inteynu usha u dhiibano, miyeynu odhan karnaa na haga.
Jawaabtu waa maya. Cirradu Cirradeynu moodney ma aha. Ninka shacabka Soomaaliyeed u dhuuntey ee ay ku aamineen inuu danahooda iyo xeerkoodaba ilaaliyo, kana ilaaliyo kuwa ka Dukaameysanaya waa Danbiweyne Jawaari. Waa ninka erayadan hoos ku qoran ay ka soo maaxdeen maskaxdiisa.
Xigasho (Quote):
http://www.allbanaadir.com/news.php
http://www.raxanreeb.com/2013/12/jawaarigudigga-joogtada-ah-ee-baarlamaanka-soomaaliya-waxay-isku-raaceen-in-maalinnimada-arbacada-rw-cusub-la-horkenovideosawirro/
“waxaan Madaxweynaha ka codsanay inuu Ra’isulwasaaraha horkeeno Golaha Shacabka maalinta Arbacada ah waxaanna Madaxweynaha uga mahad celineynaa in mudadii uu ka codsaday Golaha Shacabka magacaabista Ra’isulwasaaraha ka hor u keenay waxaanna uga codsanay shacabka markii ay dhacdo Xukuumad kalsooni kala noqosho wel wel ayaa gala Madaxweynaha sida uu codsigeenna u aqbalay waan uga mahad celineynaa,shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahad celineynaa kalsoonida ay noo muujiyeen waanna u ballan qaadaynaa inaanan waxba ka hagran doonin oo wixii ay noo xilsaarteen aan gudan doonno”ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka”
Soomaalay, laba arimood oo uu sheegay Danbiweyne Jawaari, aniga shaki weyn bey igu abuureen, sababtoo ah:
Ma arag Nacweyne Xasan oo wal-walaya, riditaankii Hurdoweyne iyo Dowladiisii ka dib, isagoo faraxsan oo xafladeynaya ood moodo inuu dhulka cadow ka xoreeyey mooyee.
Ma arag meel ay Shacabka Soomaaliyeed kalsooni ugu muujiyeen Danbiweyne Jawaari, Walaac iyo aamin darro iyo shaki weyn oo ay ka qaadeen mooyee.
Waxay erayadani igu dhaliyeen: in aan isweydiiyo, fayoobida (Dhammida) Dhimirka ay ka soo maaxdeen. In aynu u kuur galno miyir qabka shakhsigan, oo aynu arinkan jawaab inaga shaafida u helno waa arin inoo wada taala.
Shacabka Soomaaliyeedow, wali maan arag Danbiweyne Jawaari oo ay maankiisa ka soo maaxdeen, afkiisana ka soo baxeen erayo murti leh. Kuwo si xilkasnimo ah loo yidhi oo laga dhargi karo ama lagu qanci karo. Erayo haddii la isu geeyo ay ka sugnaan karaan laba (cotob) jumladood oo kaamil ah oo macna aan nuqsaan lahayn sameyn kara.
Erayo saameyn wax tar leh ku yeelan kara habka geedi socodka dowladnimo guud ahaan, gaar ahaan waajibaadka uu xambaarsanyahay xilka isaga loo dhaariyey.
Erayo tayeysan oo laga filan karo inuu ku hadlo Shakhsi Mas’uul ah. Erayo wax ku ool ah oo Bulshada isusoo jiidi kara. Erayo lagu maareyn karo marxaladda kala guurka ah ee uu xiligan dalku marayo.
Mudadii sanadka ahayd ee uu Danbiweyne horfadhiyey xubnaha Ma Dhibaanada (Xil Ma Dhabaanada) Baarlamaanka, waxeynu ka dhaxalney: Guddoon jilicsan iyo Gudcur dama. Go’aano dumey oo dhinac u janjeedha ama is burinaya. Sida: Beerka jecli xaydhana jecli. Saddexda Gobol haa, lixdana ogoli. Mooshinka Doolar wato haa, inta kale mafadow.
Waxaan fursadan uga faa’iideysanayaa in aan Hambalyo ugu gudbiyo Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Moxamed oo loo magacaabey Xilka Wasiirka Kowaad.
Waxaan leeyahay ilaahay ha kugu asturo Xilkan culus ee lagugu aaminey.
Shacabka Soomaaliyeed waxay kaa sugayaan Gurmad deg-deg ah, Hiil iyo samatabixin ee allow waa laguu hanweynyahee aan lagugu hungoobin. Aamiin, aamiin, aamiin.
Mahadsanidin;
Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com