Dhageyso: Mooshinkii Laga keenay Gudiyada Joogtada Ah Ee Baarlamanka Oo Fashilmay.

0

kulankii-baarlamaanka-4Muqdisho (AGGM): Mooshinkii laga keenay Gudiyadda Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa fashilmay, sida uu sheegay Gudoomiye Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari.

Kulanka, oo ay Maanta soo xaadiray 164 Xildhibaan, balse markii danbe waxaa kusoo haray Xarunta Golaha Shacabka 143 Xildhibaan.

Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, oo Shir gudoominayay Kulanka Maanta, ayaa sheegay in 133 ay Codka Kalsoonida u qaaday Mooshinka ay keeneen 17 Xildhibaan.

21 Xildhibaan, ayaa u codeeyay “Haa” 88 ayaa diiday, halka 24 ay ka aamustay sidaasi ayuu ku fashilmay Mooshinka ka dhanka ahaa Gudiyadda Joogtada ah ee Baarlamaanka.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga Gudoomiyaha…

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga Xildhibaan…

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaalia Jawaari

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka soomaalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com