Markii laga soo noqday, dagaalkii 1977, waxaa Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre – Alle ha u naxariistee – fariisiyay Golihii Sare ee Kacaanka, waxayna u badnaayeen Xisbigii Hanti Wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed.
Shirkaas oo socday Labo Maalmood, waxay doodu aheyd, Mar haddii aynu gaadhi weynay hadafkii Kacaanku hiigsanaayey, DOWLADU WAAWEYNNA AY SOO GALEEN DAGAALKII, iyagoo la safan dowladda Itoobiya, iminkana ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu dib u soo noqday, isagoo aan guuleysan. Waxaan qirayaa in Kacaanku, ku fashilmay dagaalkii.
Sidaas darteed, waan is CASILAYAA, maxaa yeelay geesinimada, wadaniyadda, ayaa ku jirta in aynu qirro in lagu fashilmay dagaalkii 1977.
Waxaa hal mar qeylo afka ku dhuftay Madaxdii ku xeerreyd Madaxweynaha, waxayna yiraahdeen, Mudane Madaxweyne, Wax la aqbali karo ma aha warkaas aad noo sheegtay, waayo yaa dalka iyo dadka Uga tageynaa.
Waxaan qabaa ALLE HA U NAXARIISTEE, Maxamed Siyaad Barre, inuu ku saxsanaa inuu is casilo, balse raggii ku dhowaa, ee wax ku lahaa talada, ayaa aad iyo aad u khaldanaa, waxayna danta guud ee wadanka dhaafsadeen maslaxadoodii gaarka aheyd.
Kolkii burburkii dhacay oo lagu kala qaxay Muqdisho, Jabhadihii soo galayna ay wax xakameyn kari waayeen, Madax badan ayaa garwaaqsatay inay xaq aheyd Istiqaaladdii aynu ka diidnay Madaxweynaha, maxaa yeelay dhibtan maanta jirtaa ma jirteen, oo si selmi ah ayaa xukunka loogu wareejin lahaa qof kale.
MURTI AYAA ORANEYSA (TALADA ADIGAA KU NOOL, IYADU KUGUMA NOOLA).
Waxaa si fiican u iftiimay dagaaladdii sokeeye, waxaa kale oo iyana soo gashay meesha, in dalku kala go’goo, waqooyiguna ay yiraahdaan waanu ka goosanay koofur, iyagoo illaa hadda aanay helin wax aqoonsi ah.
Ujeedada Maqaalkani, waxaa weeye, haddii Madaxweynaha ay ku xeersan yihiin koox yar, oo daneystayaal ah, sida kuwii maalintii dhoweyd ku dhawaaqay WAA FASHILANAY, maantana raba in kuraastii lagu soo celiyo, xikmadda meeshaa ku jirtaa, waa BUR BUR, TALO XUMO IYO KHIBRAD LA’AAN. Marnaba lama aqbali karo in Ra’iisul-wasaaraha cusubi ku soo celiyo raggii Soomaaliya baday Xukuumad la’aanta muddo ka badan Labo bilood, maantana waxay soo wataan aanay jirin.
Sanadba sanadka ka danbeeya, dhibaatadu, maamul xumidu, hoggaan xumidu, baarlamaan xumidu, wey sii kor dheysaa, maxaa yeelay wadaniyadda ayaa innagu yar, DANEYSIGA, QABIILKA, ayaa inoogu xoog badan, taana laguma gaari karo yool qarannimo.
Iima muuqato Soomaali ka faa’iideysatay dhibta ay soo martay, waxaana loo qabtay shirar dibadda ah, laguna soo dhisay dowladdii C/QAASIM SALAAD XASAN uu Madaxweynaha ka ahaa, waxeyna dowladdaasi ku dhamaatay khilaaf siyaasadeed iyo ku dhaqan la’aanta AXDIGII KMG AHAA.
Waxaa ka danbeysay, tii lagu soo dhisay Kenya (emphgati), iyana waxay ku bilaabatay khilaaf dastuuri ah, waxeyna ku dhamaatay bur bur.
Waxaa mar saddexaad, lagu soo dhisay JABUUTI, dowladdii uu Madaxweynaha ka noqday SH. SHARIIF SHEEKH AXMED, waxeyna dowladdaasi yeelatay Saddex Ra’iisul-wasaare, khilaaf awgiis iyo ku dhaqan la’aanta dastuurka oo laga hor yimid.
Dowladaas waxaa ka dhalatay in Doorasho lagu qabto Wadanka Gudihiisa, hase yeeshee, khilaafkii siyaasadeed ee soo kala dhex galay Saddexdii (3) mas’uul ee u sarraysay wadanka ayaa sabab u ahayd in Ururo ay ka mid yihiin DAM JADIID IYO JAMAACATUL ISLAAMIYA, ay soo sharraxaan Madaxweynaha maanta jooga Xasan Sheekh Maxamuud, weyna ku guuleysteen doorashadii ka dhacday Iskuul Buluusiya, waxaa xusid mudan, in aanay jirin dowlad ka faa’iideysatay khaladaadkii dowladihii ka horreeyay.
TANINA way ka sii liidataa kuwii aynu soo maray, maxaa yeelay:
1. Ma ogola inay ku dhaqanto dastuurka ay ergooyinka Soomaaliyeed ku soo ansixiyeen Iskool Buluusiya.
2. Ma laha khibrad Siyaasadeed, oo ay ka faa’iideystaan dowladihii horay u soo maray wadanka.
3. Wax INSTITUTION ah oo mudadaa halka sano ay dhiseen ma jirto.
4. Waa nimanka ku dhawaaqaya xukuumaddayadii way fashilantay haddana waxaanu rabnaa in nalagu soo celiyo kuraastayadii, si aanu
5. Waxay abuureen kuna soo celiyeen dalka Dagaaladii Sokeeye.
Intaasoo qodob, ayey kaga liidataa dowladdani dowladihii hore, waxaan u maleynayaa inaynu ku noqonay XABAASHII SIYAASADEED ee aynu ka soo baxnay hal sano ka hor.
Khabiir Siyaasadeed
Cali Daacuun
kheyreps@gmail.com
Fiiro Gaar Ah: Qoraalkan Waa fikirka qoraha marnaba kama turjumayo fikir Warbaahinta Allgalgaduud Media waxii dhaliil ah ama amaan ah fadlan kala xiriir qoraha emailkiisa kheyreps@gmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com