Muqdisho (AGGM): Wakiilka gaarka ah ee dowladda u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty ayaa soo dhoweeyay ansixintii dhowayd ee ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed.
Waxaa uu ku amaanay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sidii deg-degga ahayd ee uu u soo xulay raysul wasaaraha cusub, isaga oo dhinaca kale ra’iisal wasaarha u rajeeyay in uu si dhaqse ah u soo dhiso golliisa wasiirrada.
Dowladda Mareykanka ayaa mar kale carrabka ku adkeysay inay ka go’an tahay taageeridda shacabka Soomaaliya iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
James P. McAnulty ayaa sheegay inuu rajeynayo la shaqeynta xukuumadda cusub ee Soomaaliya.
Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa lagu wadaa inuu dhowaan ku dhawaaqo golihiisa wasiirrada, kaas oo uu hor gayn doono baarlamaanka federaalka si loogu sameeyo dib u eegis kaddibna la meel-mariyo si waafaqsan dastuurka Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com