Dhageyso: Cabdi Ciise Diirshe “Wasiir Fowsiya Lacag Ma Lunsan”.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Iyadoo ay maalmahaani Warbaahinta Maxaliga ay baahinayeen war kusaabsanaa eedeyn loo jeedinayey Siihayaha xilka Wasiirka arimaha Dibada Somaliya Fowsiyo Yuusuf Adan oo ahayd inay lacago badan lunsatay.

Eedentaasi ayaa waxa ka jawaab celiyey Xoghayaha joogtada Wasaarada Arimaha Dibada Cabdi Ciise Diirshe oo wareysi siiyey Radio Kulmiye ayaa been abuur ku tilmaamay in wasiir Fowsiyo lacago ay musuq maasuqday.
Waxa uu xoghayahu sheegay inaysan jirin eedeyntaasi islamarkaana dad dano gaar ah leh sida uu yiri ay warkaasi ka dambeeyaan.

waxa uu Tilmaamay in arrintaasi ay warbaahinta baahiyeen ay tahay mid aan waxba ka jirin laguna luminaayo sumcada Wasiirada. Sidoo kale, waxa uu sheegay in loo baahan yahya in laga laabto Eedeymahaasi lana joojiyo wararka keeni kara dhibaato Siyaasadeed.

Dhanka kale, Wareysi uu siiyey Radio Kulmiye C/sataar Xasan Cali oo kamid ah mas’uuliyiinta Safaarada Somaliya ku leedahay dalka Kenya ayaa ku eedeeyey Wasiir Fowsiyo in mushaarkii sanadkaan 2013 ay lunsatay lacag gaareysa 4 Malyan dollarka mareykanka.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Dhageyso Xoghayaha Joogtada Wasaarada Arrimaha Dibedda

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com