Dhageyso: Gudoomiyaha Gobolka Galguduud Oo Ka Hadlay Shaqaaqooyin Ka Dhacay Magaalada Caabudwaaq.

0

Cirfo-300x225Caabudwaaq (AGGM): Xuseen Cali Wehliye “Cirfo” Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ay ciidammada Dowladda ee maamulkaasi ka wadaan magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud, gudoomiyaha sidoo kale waxaa uu ka hadlay ciidan lagu dilay Magaaladaasi.

Cirfo ayaa xusay in Xaalada Guud ee Gobolka Galgaduud ay tahay mid Wanaagsan, haddana ay ku howlan yihiin baaritaanno ku aaddan sidii loo ogaan lahaa dadkii ka dambeeyay dhacdadii ciidammada amniga qaar ka mid ah lagu rasaaseeyay magaalada Caabudwaaq.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud, ayaa dadka shacabka oo dhinac walba isugu jira ugu baaqay in ay ciidammada ammaanka ka caawiyaan xaqiijinta iyo xasilinta amniga, isagoo sidoo kale ciidammada kula dardaarmay in si xasilooni ah Bulshada ula dhaqmaan, si loogu guuleysto sugida nabadgalyada magaalooyinka gobolka Galguduud.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Mobilkaaga…

Dhageyso Gudoomiyaha Gobolka Galguduud

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com