Maqaal:Soomaaliya Iyo Soomaaliland Keebaa Maray Dhabbe Ku Dayasho Mudan? W/Q. Farax Maxamed, (Sabool Koriye)

0

MAGUURAANQalinka waxaan khadka ugu shubtay Inaan Ka sheego som/land Iyo Soomaaliya Oo laysku Oran jiray JDS (Jamhuuriyadda Dimuraadiga Soomaaliyeed).

Markii Iigu arag dambaysay Oo Laga joogo Ilaa 1/4 qarni in Ka badan, waxaan ogaa burbur dad Iyo dalba gaadhay dhismayaasha Oo ahaa Kuwa burbur iyo khasaare Ka muuqday.

Ka dib markii Ay dowladdii dhexe ee soomaalidu duntay dabayshigeedii waxaa ku kala Haray labadii dhinac ee ku heshiisay inay Midnimo udubkeeda taagaan taas iyo taariikho hore Oo Aan u soo joogay Ayaa sabab u ah Waxa igu dhaliyay Inaan runta Ka sheego socdaalkaygii labada dhinac Ee Aan lugta ku soo maray iyo talooyin ku dhex iidaaman Oo Aan u soo gudbinayo Wax garadka iyo dadka yar ee daneeya firka soomaalida.

Somaliland inta aaan Ka Arkay doorka nabadda ee s/ land iyo kala dambaynta xeerka ,Waxayna Ii ahayd farxad indhahaygu waxa Ay Ka arkeen degaamada hoos yimaada ugu qiimo badnayd … waxaan galay dareen Aad uga Duwan xadka Somali land maamulkeeda markaan Ka baxay wixii Aan kala kulmay waxay noqdeen Puntland Oo macawis iyo qori wada socda Aan ku arkay , waxaan la kulmay shacab Qof walba qori ku sito degta goob walbe iyo meel walbana la maraya Oo ku haysta .
waxaan is weydiiyay waxa Uu Ka baqanayo ?

Waxa Uu ka baqanayo waa dambaanad la’aan Uusan Ka HAYSAN maamulka Uu taageersan yahay ee Uu aamin San yahay inuu la haybta yahay , Ilaa Aan xamar AMA muqdisho Aan soo galayna. fajac ,habac kala quusasho iyo baqdin Ayaan arkayaa dadkana Aan ka dareemayay, waxaa Aad ugu badan dadka Firka soomaaliyeed habkii Ceelka iyo waraabka iyo daaqa ee Iska Riix Iyo u tol sheego la isticmaali jiray markii aannu miyi ku noolka ahayn magaalooyinka Ka hor .

Laakiin is bedel Ayaa magaalooyinka yimid waxaana looga baahan yahay in la helo ,hab wada noolaansho , kala dambayn iyo is tixgelin .

Laakiin cirkaan soomaaliga ah Oo Aan maamuladii hore ku bar baarin habka wada noolaanshaha Waxaanayna keentay in hor joogayaashii dagaaladii sokeeye aqoontii hoggaanka siyaasadda la aadeen tii ceelka .

Taasuna waa ta warwarka iyo dhibta ugu wacan guud ahaan soomaalida, runta se waxay tahay in La habaabiyay nabadda iyo dawladnimada Iyo federaalnimadaba habkeedii , Waxaana Aad ugu Farax sanahay in qabyaalad iyo qarannimo Ay mar dhaw kala bixi doonaan , waayo sida soo muuqata Firka soomaalidu siyaasiga mooday inay sidii 90 dii tahay xog la’aan Ayaa Haysa ee dib isugu noqo ayaan kula talin lahaa , xubnaha wali ku sii adeeganaya waxaa Uga Marag sheegayaa inay Ka hadhi doonta taariikh xun Oo lagu hiifo daciif nimada caqliyadda iyo maskaxda odoonsiga ku jirta ee Aan Ka xorta ahay qoqobka qabyaaladda hunguriga musuqa eexda iyo qaar kaloo fara badan Oo xumaha la meel ah, Waxaan lee yahay siyaasiyiinta soomaali land waddo lagu Dayan karo weeye waxa Ay u qabteen ummadda iyo horseedka xeer iyo kala dambayneed.

Ka owda ayaan kula talinayaa meel banaan Oo Laga soo galo iyo dhaliil Uu Ka faa’iidaysto war xun ku noolka Waxaana Aan idin kula talin shacabka Somaliland idinkoo degaan nidaam kana u midaysan Ka tashada danta guud. Hantaaqo iyo dib u laabashana ha Laga jiro inta goorteeda la gaarayo .

Mucaaradka waxaa iga talo ah — waa xaq in la tilmaamo khaladka laakiin waa inay raaciyaan xalka talada ahna sheegaan.

Waxaanse mar labada iyo mar saddexaadba qirayaa inay Soomaaliland dhabbe ku dayasho mudan inay qaadday loogana baahan yahay firka soomaaliyeed inuu saldhigeeda Ka ambaqaado si ummadda looga saaro waxa ragaadiga ah ee Ay koofurta xalka u weyday ee Aan dhibteeda la soo koobi karin.

Waxaan qirayaa in Soomaali land Ay ku tillaabsatay tillaabo horumar Oo la taaban karo Waxayna heshay hoggaan siyaasadeed Oo ku haga hab dhaqanka dadku la tillaabsan karo, Ilaa Ay gaadheen gab doorasho Madax banaan Ay isku doortaan ,Waa xuriyad qofku inuu hadlo Oo wuxuu Qabo la ogaado ,laakiin yaanay isku milmin qalbiilka Iyo maamulka waxaana loo baahan yahay caqliyad kala saarta Oo u qabata hoggaanka. nabadduna waa tiirka nolosha ,deegaamada Somaliland yaanay dhagta wax Koox gaara Ay wadato ugu shubin Oo xayndaabka midnimadeeda wax u dhimaya waa in la ilaaliyaa qiima kastoo Ay leedahay . noloshu waa nabadda .

Somaliland inta laysku yiraahdo Oo kaliya ayaa Ka fayow marka run ahaan loo eego firka Soomalida , dul qaad halagu raadiyo wax walba Oo tabasho ahna waa in cidda wax taabanaysa iyo cidda Laga tabanayo labadaba wax wada qanciya Ay Ka dhex dhashaan waxa jira waa haddii CID walba teed a u gaarka ah ta guud Ay Ka hormariyaan.

Somaliland waxaan u rajaynayaa inay horay u sii socota.

Koofurtuna waxaan Ka filayaa inay ku dayato wanaaag kasta Oo Haboon rajada aayahana Aad uga fakaraan siyaasiinta hormuudka u ah ee Soomaalidu.

Dulqaadashada xukuumadda iyo dadkoo isku duuba.

Farax Maxamed ,(Sabool Koriye)
doodde@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com