Waxaan aaminsanahay in xukuumaddii Raysalwaasre Dr Saacid lagu xasuusan doono waxyaabo badan oo ay soo qabatay xukuumaddiisu muddadii yareyd ay jirtey aheydna 15 Bilood, marka laga eego dhinackastaba haddii ay noqon laheyd sida Amniga gudaha, siyaasadda gudaha iyo dibeddaba,dhaqaalaha iyo dhinaca maamul wanaagga kuna dhisan maamul wadaagga ama loo wada dhan yahay.
Dr Saacid wuxuu ahaa Ra’iisulwasaarihii ugu horreeyey ee booqasho taga Gobolada dalka oo dhan marka laga reebo Gobolka Waqooyi-Galbeed, Mudane Saacid wuxuu booqashooyin ku kala tagey sida Garoowe ,Gaalkacyo,Galgaduud>Dhuusomareeb, Cadaado iyo Caabudwaaq, waxaa kale Mudane Saacid soo booqday Baledweyne, Jowhar, Marka, Baydhabo, Kismaayo iyo Gedo waana markii ugu horreysey ee uu masuul sare uu soo booqdo dhul intaas baaxad le’eg laga soo bilaabo burburkii dagaalkii sokeeye in 1991, waana taariikh mudan in la xuso ,waxaayna ku timid dadaal iyo geesinimo weyn oo uu muujiyey Mudane Saacid waayo waxaay aheyd naf u hurid waayo marka laga eego dhinaca Ammaanka gudaha soomaaliya ma ahan mid sidaa la iskugu haleyn karo haddana masuul sare oo heerkaas gaarsiisan inuu soo booqdo dhul intaas le’eg.
Degaanadas oo dhan wuxuu u sameeyey maamulo ku meel gaar ah marka laga reebo degaanadii lahaa maamulada horey uga jirey,Dr Saacid muddadii uu Raysalwasaaraha ahaa wuxuu muujiyey isla markaana ku adagey ku dhaqanka Dastuurka iyo sharuucda kale ee dalku leeyahay Haddii aan tusaale u soo qaadano Maamulka la magac baxay Jubba-land isla markaana ay hoggaaminayeen Kooxda Raaskaambooni ,iyaga oo doonayey iney wax aysan sharci iyo xaquuq toona aysan u laheyn iney marsiiyaan dowladda dhexe ee somaaliya,arrintaas qolooyinkii doonayey iney wax boobaan iyagoo u dhaqmayey hab ku dhisan Mafia,mudane Saacid wuxuu doonayey in wax walba loo maro sharciga dalku leeyahay qaas ahaan Dastuurka dalku leeyahay waayo cidna kama weyna sharciga.
Sidaa awgeed in wax walba loo maro sharciga qaas ahaan hab waafaqsan dastuurka,gaar ahaan maamulada loo sameynayo Gobolada dalka in lagu dhiso qaab leh nadaam dowladeed aas aasna u noqda dhisidda qarankii soomaaliyeed ee burburay in 1991, isla markaana inaan maamulada Gobolada lagu dhisin qaab caadifad ama koox dooneysa iney wax xoog ku maquuniso laga yeelin loona wada hoggaasamo Dastuurka iyo sharuucda kaleba dalkku leeyahay sidaa baan aaminsanahay inuu ahaa” Vision-ka “ Mudane Saacid .
Waxaa kale oo xusid mudan isla markaana taariikhda baal dahab ah ka galay in iyadoo soomaalidu caado ka dhigatey iney sharciga ku tomato , markii khilaafka Dastuuriga soo kala dhex galay Raysalwasaare Saacid iyo Madaxweyne Gurguurte, fekerka Saacid ahaa in lagu kala baxo sharciga dalku leeyahay si aysan u noqon in nadaamka dowladnimo mid la mid ah sidii guri shaqsi leeyahay ama koox iska leedahay lana baro inuu dalku leeyahay dastuur iyo He’yado Dastuuri ah, taas oo noqotay in Baarlamaanka lagu kala baxo maadama aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah “ Constitutional Court” taasna waa taariiklh iyo cashar wax laga bartey aheydna arriin taariikhi ah, micnaha kama hadlayo qaabkii loo soo maray Motionkii lagu ridey xukuumaddii Mudane Saacid, ee waxaan ka hadlayaa iney aheyd arrin ugub ku ah soomaalida laga soo bilaabo biloowgii waqtigii burburka ee soomaalidu ku soo jirtey.
Sida laga fehmi karey ama laga dhadhansan karo khudbadihii uu jeediyey Dr Saacid laga soo bilaabo markii uu khilaafku soo kala dhex galay asaga waa Mudane Saacid iyo Madaxweyne Gurguurte ilaa iyo maantay oo taariikdu tahay 26/12/2013 isla markaana u xilka ku wareejinayey Raysalwasaaraha cusub ee Soomaaliya Dr Cabdi Weli, Dr Saacid inuu ahaa nin muddo 15 bilood ee uu ahaa Raysalwasaaraha soomaaliya inuu ku soo shaqeeyey xaalad aad iyo aad u adag, marka laga reebo xaaladda guud ee soomaaliya oo ah mid aan wanaagsaneyn ,laakiin wuxuu ku shaqaynayey xaalad kale oo adag kana imaaneysay dadkii uu la shaqeynayey kuwaas oo ahaa dad aan “ Qurux badneyn” laakiin uu u soo dhabar adaygey xaaladahaas ama daruufahaas kala duwan.
Dhinaca kale shalay waxaa xilkii Raysalwasaarenimada soomaaliya la wareegay Dr Cabdi Weli Sheikh Axmed
Marka ugu horreysa waxaan ilahay uga baryayaa inuu u fududeeyo hawlaha cuslus ee loo idmaday Mudane Cabdi Weli, waa masuuliyad weyn isla markaana adag,haddana waxaaba ka sii daran taas xaaladda soomaaliya oo ah mid aad u fool xun, marka dhinac kastaba laga eego haddii ay noqon laheyd xagga Amniga,dhaqaalaha,arrimaha bulshada,is maandhaafka qabyaaladda soomaalida kala fogeeyey,la shaqeynta dad aan diyaar u aheyn in la soo celiyo Qarannimadii soomaaliya,waxa kaliya lagu soo celin karana ay tahay dhismo dowlad shaqeysa kana hawl gasha dhammaan dhulka soomaaliya oo dhan si siman,dadkana la isku soo dhaweeyo si meesha looga saaro kalsooni darrada beelaha soomalida ah dhex taalla.
Waxaan jeclaan lahaa inaan qofna sharciga laga sareysiin haddii uu yahay masuul, ama koox,ama qabiil ama beel,waa in sharcigu noqdaa mid ka sareeya qofka waayo waxaa loo baahan yahay in marka qofku dhiban yahay inuu helayo sharci u hiilinaya, marka qofku qaldan yahana waa in la helaa sharcigii qaban lahaa qofkaas qaldan.
Haddii taas la waayo dowladnimo ma jireyso,haddii aysan dowladnimo jirinna qarannimo ma jireyso. Sida aan aaminsanahay Dr Cabdi Weli hawsha ugu horreysa laga sugayo indhahana lagu hayo waa dhismaha Golihiisa Wasiirada xukuumadda uu hoggaaminayo,sidaa awgeed waxaan jeclaan lahaa ineysan noqon Golihiisa Wasiirada kuwo aan ku imaan rabitaankiisa,waayo haddii ay ku yimaadaan rabitaan shaqsi kale sida madaxweynaha ,ama kooxo,ama beelo,waxaa imaaneysa inuusan shaqeyn doonin “Vision”kaaga aad dooneysid inaad waddanka uga saarto dhibaatada baaxadda weyn ee heysa ummadda soomaaliyeed gudaha iyo dibeddaba.Waxaan aaminsanahay inaad u baahneyn in arrimaha soomaaliya lagaaga sheekeeyo waayo Aqoon, Waayo Aragnimo iyo Xog ogaal weyn ayaad u leedahay arrimaha soomaaliya iyo xaaladda hadda waddanku ku sugan yahay iyo sida ay cakiran tahay una muuqatada mid aad iyo aad u fool .
Tusaale ahaan soomaaliya waxaa lagu halaagay qabyaalad siyaasadeysan, haddii marka jidkii ummadda lagu halaagay dowladnimadii lagu dumiyey, qarranimadii lagu burburiyey,lana sameystey Maamulo qabiil,sameystey maleeysiya beeleed hubeysan calan gooni ah sameystey,xiriir caalami ah la sameystey dowlado kale xattaa qaarkood u joogaan safiiro,marka intaas aan xisaabta ku darsano qofka ama shaqsiga hoggaamiya maamulkaas ama dowladdaba aan dhehnee ma u baahan yahay dowladda dhexe inuu ka amar qaato,muxuuse uga baahan yahay dowladda dhexe?
Sidaa awgeed waxaa cod ineysan qabiil dowladeed iyo qaran soomaaliyeed aysan aheyn wax is qaadan kara,marka waxaan leeyahay dib ha loogu noqdo nadaamka dowladeed ee soomaaliya ku dhisan tahay waa haddii xal la doonayo.
Sidoo kale Madexweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo Rooxaanta ku wareegsan
Waxaan kula talin lahaa in haddii ay doonayaan,daacadna ka yihiin in soomaaliya laga saaro dhibaatada waa iney faraha kala baxaan hawlaha shaqo ay leedahay xukuumadda federalka ah islamarkaana inaan loola dhaqmin habkii aan “Quruxda badneyn” ee loola soo dhaqmay xukuumaddii Dr Saacid.
Raysalwasaare Dr Cabdi Weli inuu helaa Space uu ku gudan karo waajibaadka loo igmaday uguna shaqeeyo dadkiisa,dalkiisa iyo diintiisaba, haddii Raysalwaasaraha shaqadiisa loo madaxbanaaneyn iyadoo laga fekerayo dano shaqsiyadeed ama kooxeed,waxaa sii dabadheeraneysa dhibaatadii iyo halaaggii ummadda heysatey muddada dheer.
Wax qarsoon ma jiraan sidaa awgeed waa in loo turaa dadka ,dalka iyo diintaba,lama joogo waqti wax la kala riixdo,waxaan joognaa waa waqti ay soomaaliya u baahan tahay badbaado ummadeed,badbaado dowladnimo iyo badbaado qarrannimo, waxaana ila wanaagsanaan lahaa caqliguna inoo sheegaya in dadka masuuliiyinta ah isku arkaan iney yihiin dad badbaadinaya ummadda soomaaliyeed sidii “ National Salvation Council or Committee” Iyadoo xaaladda soomaaliya ay sidaa tahay,in habsami u socodka dowladdaaan curdanka ah in haddana meel aan laga filenayen Isbaaro siyaasadeed ka timaado waa nasiib darro weyn ,fadeexad” Scandal”sida cad ama aan mugdiga laheyn waxay ka imaanayaan waa Madaxweynaha iyo Rooxaantiisa weyna fiicaan laheyd iney dib u eegaan waxyaabaha foosha xun ay faraha la galeen muddooyinkii la soo dhaafay.Mana ahan wax mugdi la gelin karo soomaalidu waxaay ku maahmaahdaa “ Xaglo Geel Wax Gutin La Geliyo Ka Weyn”Sidaa awgeed dib ha la isku saxo.
W/Q. Dr Dahir Nur Jama ( Dr Truman)
jama191@hotmail.co.uk
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com