Muqdisho (AGGM): Koox Hubeysan ayaa xalaw Weeraray Hoteel ku yaala Magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku Tuureen Bambooyin,waxaana uu dhaawac Fudud uu ka soo gaaray dad Rayid ah.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaalia ay qabteen Kooxdii Bamka Soo Tuurtay Islamarkaana la dhigay Xaruunta CID ee Magaalada Muqdisho.
Dadka Bamka Soo Tuuray ayaa lagu Sheegay in ay ahaayeen Labo Ruux kuwaas oo la socday Gaari Bas ah oo Rakaab waday Sida ay Dad Goob Joogeyaal ah u sheegeen Allgalgaduud Media.
Waxaana Dadka Weerarkasi ku dhaawacmay ay gaarayaan Saddex Ruux oo Dhaawac Fudud uu soo Gaaray sida naloo Xaqiijiyey.
Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…
Dhageyso Warka Weerarka Hotel Saxafi
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com