Dhageyso: 7 Ruux Oo Lagu Afduubay Deegaanka Taabto Ee Gobolka Jubbada Hoose.

0

WarbixinDhoobleey (AGGM): Kooxo hubaysan oo haybtooda la garanayn ayaa afduubtay ku dhawaad tobon ruux oo shaqalle gargaar ah kuwaasoo ka howlgalayay deeganada Jubbooyinka sida ay xaqiijiyeen Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni

Horjooge Yuusuf Maxamed Xuseen oo ah Taliyaha saldhiga degmada Dhoobleey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay Kooxo hubaysan inay weerar u gaysteen dad u shaqaynayay Hay’addo gargaar.

Sidoo kale waxa uu Horjoogaha sheegay dadka la afgduubtay tiradoodu inay dhantahay ilaa 7 ruux kuwaasoo dhamaantood Somali ah wuxuuna ku edeeyay afduubka Shaqaallahaasi kooxda Al-shabaab.

Shaqaalahan oo tiradoodu ahayd Todobo ruux ayaa la sheegay inay kasoo baxeen deegaanka Taabto iyagoo kusii jeeda degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose ka hor inta aan loo galin dhabaha.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in in shaqaalahan la afduubtay uu ku jiro darawalkii gaariga u waday, waxayna shaqaalahan u shaqeynayeen hay’ado maxali ah oo lagu kala magacaabo Juba Foundation iyo Southern Aid.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Dhageyso Warka Afduubka

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com