Dhageyso: Afhayeenka Argagixisada Al Shabaab Oo Ku Faanaya Qaraxyadi Xalay.

0

CALI DHEEREMuqdisho (AGGM): Afhayeenka ururka Argagixisada ah ee Al-Shabaab Cali Maxamuud Raagge ayaa waxa uu ka hadlay qaraxyadi xalay ka dhacay hotelka Jazeera oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Cali Dheere isagoo la hadlaayay idaacada ku hadasha Afka ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayuu sheegay in weerarkaas ay ku dileen 40 qof oo u badan saraakiisha ciidanka sida uu yiri.

Horjooge Cali Dheere ayaa Hotelka Jaziira ku tilmaamay in uu ka mid yahay meelaha lagu qorsheeyo wax uu ugu yeeray dhagarta muslimiinta.

Cali dheere ayaa ku faanay islamarkaana sheegay in ay bartilmaameesan doonaan goobaha lagu maleegaayo duulaanada ka dhanka ah ururkooda Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.

Qaraxyadi xalay ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 10 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 30 Ruux sida ay sheegeen hey’addaha ammaanka iyo kuwa caafimaadka.

Isku soo wada duuboo Hotelka Jazeera waxaa inta badan taga sarakiisha sar sare ee dowladda iyo dadka ajaaniinbta ee dalka yimaada, waana meesha labaad ee aad loo waardiyeeyo caasimada marka laga reebo Villa Somalia sida ay sheegeen dadka ammaanka qiimeeya.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warka Afhayeenka Argagixisada Al Shabaab Mobilkaaga…

Dhageyso Warka Argagixisada Al Shabaab Iyo Qaraxyadi Xalay

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com