Xudur (AGGM): Cabdulaahi Cabdi Ismaail oo ah gudoomiyaha Tuulada Dhuurey oo ku taala Gobolka Bakool ayaa sheegay in ay jiraan xiisad colaad oo ka taagan Tuulaadasi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay dagaal kula galeen Tulaada Dagalamayaal ka tirsan Al-shabab oo iyagu ishortaag ku sameyn rabay raashin gar gaar ah oo u socda dadki rayidka ahaa ee Tuulada ku nool.
Rasaas ayuu sheegay inay isku dhex weydaarsaden ciidamo ka amar qaata maamulka iyo tiro kamid ah Maleeshiyaadka Al-shabab.
Lama oga halka ay hada sida rasmiga ah ay ugu sugan yihiin dagalamayaasha Al-shabab balse gudoomiyaha ayaa muujiyay inay kaga adkaaden dagaalkii ay la galeen waxana uu shaaca ka qaaday in dadka degaanka ay iyaguba u istaagen in ay ka hortgaan in laga leexsado raashinka gar gaarka ah e iyaga u socda.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com