Baydhabo (AGGM): Kulan lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa lagu taageerayay hadal dhowaan ka soo yeeray madaxweynaha dalka, oo ahaa in shirka Baydhabo maamul loogu dhiso saddex gobol.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay maamullada gobollada Baay iyo Bakool iyo odayaasha dhaqanka.
Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in ay isku raacsan yihiin in saddex gobol maamul loogu dhiso shirka maamul u samaynta gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee ka qeyb-galaya shirkaasi ayaa ku kala aragti duwanaa inta gobol ee maamul loogu samaynayo shirka Baydhabo.
Isku soo wada duuboo odoyaasha ayaa waxa ay soo dhaweeyeen soo galitaanka ciidamada Itoobiya iyo ku biiritaankooda ciidamada AMISOM.
Halkan Guji Kuna DhageysoWarkan Mobilkaaga…
Dhageyso Warka Odoyaasha Dhaqanka
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com