Muqdisho (AGGM): Ex Xildhibaan Saleebaan Maxamed Ibrahim oo horay uga tirsanaa Baarlamankii KMG ahaa ayaa ka codsaday Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya inay baneeyaan Xilalka ay hayaan maadaama sida uu sheegay ay ku fashilmeen howlihii loo idmaday.
Saleebaan ayaa xusay ummada Soomaaliyeed inay sugaysay waxqabad dhab ah isla markaana ay imika muuqato kuraastii in lagu qaybsanayo Saaxiibtinimo iyo Isku xisbi ayaan nahay, isgaoo arintaasi ku tilmaamay mid dhaawacaysa qaranimada Soomaaliya.
Isku soo wada duuboo Ex Xildhibaan Saleebaan ayaa waxa uu xusay in Soomaaliya tan iyo markii ay ka baxday KMG sanadkii tagay dadku dhowrayeen waxqabad dhab ah isla markaana arintaasi aysan imika muuqan.
Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga
Dhageyso Ex Xildhibaan Saleebaan Oo Ugu Baaqay Madaxda Dalka Inay Iscasilaan
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com