Top News: Prof. Jawaari”Xafiisyo ayaan ka furan doonaa Gobolada Dalka”.

0

JAWAARIMuqdisho(AGGM): Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaalia Max’ed Sh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Baarlamanka Soomaalia uu Xafiisyo ka furan doono Gobolada dalka Soomaalia.

Afhayeenka Golaha Shacabka Prov. Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaalia uu qorsheeynayo in 4-ta Bilood ee soosocta uu Xafiisyo ka Furto Gobolada dalka Qaarkood.

Max’ed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Arintaas ay oga gol leeyihiin sidii Wada Shaqeeynta Shacabka iyo Baarlamanka Soomaalia loo siyaadin lahaa.

Afhayeenka Baarlamaanka Prov. Jawaari ayaa sheegay in ay Shacbka Soomaaliyeed ay la yeelan doonan Wada tashi ku aadan Dastuurka Qabyada ah ee Soomaalia iyo sidii loo gaari lahaa Doorashooyinka 2016 ee ka dhacay Dalka Soomaalia.

Gudoomiye Jawaari ayaa hadalkaan ka sheegay Fadhi Baarlamaanka Soomaalia ay ku yeesheen Xaruuntooda.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com