Caabudwaaq (AGGM): Magaalada Caabudwaaq oo ay ku soo badanayaan dhismaha Masaajida lagu cibaadaysto laguna tukado iyadoo maantana xaafada Octobar ee Magaalada Caabudwaaq laga hirgashay Masjid lagu magacaabo Masjidul Maxmuud.
Masaajidkan ayaa loogu talo galay in ay ku tukadaan islamarkaana ay ku cibaadaystaan dadweynaha xaafada Octobar gaar ahaan xaafada dayacan ee Magaalada Caabudwaaq waxaan gacanta ku haya Sheekh Cabdulaahi Cabdile Xirsi (sh.C/lahi Riboose) oo ah madaxa Dariiqada Qaadiriyada Ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud islamarkanaa waxa uu sheegay in uu yahay masjidkan mid dhamaan muslimiinta in ay ku cibaadaystaan loogu talo galay .
Masaajidkan ayaa dhismihiisa waxaa qayb weyn kaqaatay oo dhisay Maxamuud Cabdile Xirsi oo ku nool wadanka maraykanka islamarkaana sheegay in uu ugu talo galay in ay dadku ku cibaadaystaan maadaama ay masaajidu yihiin baydadka alle.
Sheikh c/laahi ribose ayaa ka mid ah culimada sida weyn looga yaqaano Gobolada dhexe gaar ahaan deegaanada Waqooyiha Galgaduud waxaana uu madax u yahay xerta qaadiriyada ah kuwaas oo leh mowlacyo waaweyn oo xerto wax ku barato waxna ay dadka ku baraan Munaasibada furitaanka masjidkan ayaa ku soo aadaysa xili lagu jiro bisha barakaysan ee mowliid oo ah bisha uu dhashay nabigeena Muxamed NNKH islamarkaana lagu gudo jiro xuska maalinta weyn eek u began 12-ka bisha mowliid oo ah maalinkii uu dhashay Nabigeena NNKH.
Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…
Bashiir Sheikh Yuusuf Nadaara
Caabudwaaq, Soomaaliya
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com