War Cusub: Falaagada Al Shabaab Oo Mamnuucay Isticmaalka Taleefanada Internetka Guud Ahaan Dalka.

0

mobile interMuqdisho (AGGM): Isticmaalka taleefanada waxay waayihii ugu danbeeyay dalka ka noqdeen kuwo sare u kacay waana talaabo dhanka hormarka iyo beegsiga dunida hormartay ah balse waxaa bayaan kasoo baxay alshabaab lagu mamnuucay isticmaalka taleefanada qaar.

Bayaankani kasoo baxay falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa waxay ku mamnuuceen in dalka Soomaaliya laga isticmaalo mobilada leh internet-yada.

Bayaanka Falaagada Al shabaab ayaa lagu xusay Illaa Afar qodob oo kala ah:

1) In laga joojiyo dhamaan dalka Soomaaliya isticmaalka adeegyada loo yaqaano Mobile Internet iyo Fibre Optic.

2) In dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ah ee ku lugta leh adeegga Mobile internet-ka ama Fibre Optic-ga ay joojiyaan adeeggaas.

3) In shirkad walba oo ku lug leh bixinta adeegyadaas aan kor kusoo xusnay ay heysato muddo dhan 15 maalmood oo kaliya sidii ay u joojin laheyd adeegyada Mobile internet iyo Fibre optic, mudadaas oo ka bilaabaneyso taariikhda bayaankan uu soo baxo.

4) Shirkaddii ama shakhsiyaadkii u hogaansami waaya go’aanada kor ku xusan waxaa loo arki doonaa kuwo cadawga la shaqeynaya, waxaana lala tiigsan doonaa Shareecada Islaamka.

Isku soo wada duuboo Falaagada Argagixisada ah ee Al Shabaab hadda kama ay taliyaan guud ahaan dalka laakin lama oga talaabada ay qaadi karaan hadii amarkooda uu dhaqan gali waayo amaba la fulin waayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com