Maraykanka oo shaaciyay saraakil Muqdisho kaga sugan

0

Afayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in koox yar oo ka kooban 5-askari ay ku sugan yihiin magaaladani caasimada u ah Soomaaliya e Muqdisho si ay qorshe iyo latalin u siiyaan ciidamada Midowga Afrika kaga sugan Gudaha dalka Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamad qaranka dalka si dowlada ay ugu suurta gasho inay la wareegto degaanada fara kutiriska ah ay Xarakada Al-shabab ka maamulayaan dalka.

 

Cor.Tom Deves afayeenka ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa sheegay in saraakisha Maraykanka ee ay Soomaaliya soo galeen bishii October waxana shaqadoda si toos ah ay u bilaaben bishi December ee sanadii tagtay.

 

Waa markii ugu horeeyay Maraykanka uu shaacinaayo inay saraakil kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya tan iyo sanadii 1994 kadib markii askarigii ugu danbeeyay uu ka baxay dalka bilo kadib markii Maraykanka dalka loo dilay 18-askari.

 

War saxaafaded uu soo saaray afayeenka ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa lagu sheegay in unug yar oo ciidamo Maraykanka ay u soo direen Soomaaliya si ay u bixiyaan taagero dhanka la talinta qorshaha  oo ay siinayaan ciidamada AMISOM iyo ciidamada Soomaliya si kor loogu qaado loona xoojiyo awooda ciidamada si loo xasiliyo amaanka dalka soomaaliya.