Freetown (AGGM): Warbaahinta Sierra Leon ayaa baahiyay, in Saraakiisha Ciidamada Sierra Leon ay la wareegi rabaan Hogaaminta Howgalka Midowga Africa ee AMISOM gaar ahaan guutada Shanaad ee magaalada Kismaayo oo hada ay hayaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya.
Major General Samuel Omarr Williams,oo ah madaxa Ciidamada difaaca Sierra Leon ayaa arintaasi shaaciyay,isagoona dhanka kale ka hadlay guulihii ay gaareen Ciidamada Siera Leon sanadkii gaar ahaan dagaalka Al-shabaab.
Wuxuu sheegay inay diiwaan giliyeen warbixino sheegaya in Ciidamada Sierra Leon mudada ay ku sugan yihiin Soomaaliya ay gaareen guulo wax ku ool ah,taasina wuxuu ku amaanay madaxweynaha dalkaasi ee isaga la sheegay in dhaqaalo iyo maskaxba ku bixiyay sidii Ciidamada Siera Leon qeyb kaga noqon lahaayeen Holwgalka AMISOM ee Soomaaliya.
General Baburam oo ka mid ah Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Sierra Leon ayaa hadalkaan ka sheegay kulan wada tashi ah oo ay isugu yimaadeen madaxda Midowga Africa u qaabilsan Howlgalada Nabad ilaalinta ee wadao Soomaaliya ay ka mid tahay ka socda,waxaana si gaar ah kulankaasi diirada lagu saaray howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Saraakiisha Ciidamada Sierra Leon ee Soomaaliya oo fursadaasi kaga faa’ideystay inay soo bandhigaan waxqabadkoodii sanadkii ee dagaalka Al-shabaab ayaa sheegay in markii Ciidamada Sierra Leon loo soo daad gureeyay Soomaaliya,waxay gacanta ku dhigeen Ciidamada Sierra Leon sida ay sheegeen Labo dagaalyahano oo ka tirsan Al-shabaab,waxaana dagaalyahanada lagu wareejiyay Ciidamada Dowlada si baaritaano dheer loogu sameeyo.
Sidoo kale,Bishii November ee sanadkii tagay,Ciidamada Sierr Leon ee qeybta ka ah AMISOM,waxay dib isaga caabiyeen weerar ay ku qaadeen Al-shabaabka Jubbooyinka.
Waxaana Ciidamadaasi ay galbinayeen Kolonyo Gaadii oo raashiin siday kana yimid Dhoobley,islamarkaana ku sii jeeday Tabta.
Ciidamada dalka Sierra Leon ka socda ayaa howlgalka AMISOM ku biiray sanadkii tagay ee 2013,waxaana ay ka dhaq dhaqaaqaan deegaano iyo degmooyinka ka tirsan Jubbooyinka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com