Mahadaay (AGGM): Saacado ka hor ayay ahayd markii ururka Falaagada ah ee Al-shabaab ay sheegteen inay la wareegeen muddo saacado ah gacan ku heynta degmada mahadaay ee Shabeelaha Dhexe .
Ismaaciil Maxamuud Cumar oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in uu been abuur yahay warka ay faafiyeen falaagada Al Shabaab .
Sarkaalkan ayaa waxa kale oo uu sheegay in uu jiro weerar maleeshiyaad ka tirsan falaagada Al Shabaab ay ku soo qaadeen degmadaas , waxaana uuna xaqiijiyay inay ku jabiyeen maleeshiyaadki iyaga soo weeraray.
Isku soo wada duuboo Sarkaalkan ayaa si cad u beeniyay in haba yaraatee aaney jirin inay falaagada Al Shabaab gudaha usoo galeeb degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com