Muqdisho (AGGM): Xubno ka tirsan Xildhibaanadii dhawaan Mooshinka ka keenay Wasiiradi Xukuumadii uu Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) inaysan kusoo noqon Wasiirada dhawaan lasoo dhisi doono ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Xildhibaanada oo gaarayay illaa 99 Xildhibaan ayaa kulankooda uga hadlay sidii ay usii adkayn lahaayeen Mowqifkooda ku aadan inaysan wasiiradaasi soo laaban.
Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed oo kamid ah Mudaneyaasha Xildhibaanada ayaa sheegay in ay wadaan Qorshe dib loogu soo celinayo Mooshinkii laga Keenay Wasiiradii hore.
Waxaana uu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaalia Xasan Sh.Maxamuud iyo Raisul wasaare C/wali Sh Axmed in ay ka fiirsadaan Wasiirada la soo magacaabayo.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Warkan
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com