Dhageyso: Wadahadalki Dowladda Soomaaliya Iyo Maamulka Somaliland Oo Maanta Ka Furmaya Magaalada Ankara Ee Dalka Turkiga.

0

somaliland-vs-somaliya-turkiyaAnkara (AGGM):Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo wadahadalada udhaxeeya Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland, kadib markii xubnaha wadahadaladaasi uga qeybgalaya ay shalay gaareen Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Dhanka Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa hogaaminaya wafdiga Siihaayaha Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya C/Karin Xuseen Guuleed iyadoo ay qeyb ka yihiin wafdiga Xildhibaano Dowladda ka tirsan.

Soomaaliland dhankeeda waxaa hogaaminaya wasiirka arimaha dibada Maamulkaasi Maxamed Biixi Yoonis, iyadoo la filayo wadahadaladaan inay kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool ah.

Labada dhinac ayaa muujinaya in shirkaan ay kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool ah, waxaana la ambaqaadayaa heshiisyadoo horay Dowladda iyo Maamulka Soomaaliland uwada dhexmaray.

Dowladda Turkiga ayaa garwadeen ka ah shirka Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland ay kuwada hadlayaan.

Soomaaliland ayaa doonaysa inay noqoto Dowlad ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale wallow muddo labaatan sano ah aysan helin wax aqoonsi Dowladnimo ah.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga….

Dhageyso Wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com