Ciidamo AMISOM oo loo Weeciyey Koofurta Suudaan

0

Sargaal horey madax uga ahaa  sirdoonka dalka Uganda David Pulkol oo la hadlay wakaaladda wararka ee Andaluu ee dalka Turkiga ayaa sheegay in ciidamo taba bar loo so gaba gabeeyey lana doonaayey in lagu soo biiriyo kuwa AMISOM ee howgalka kawada Somalia loo weeciyey dalka Koonfurta Sudan.

David Pulkol oo wareysigiisi dheera kuna qotomay arimaha dalka Koonfurta Sudan ayaa sheegay in ciidamadasi loo soo waday Somalia looga baaqsan waayey in loo diro dalka Koonfurta Sudan oo ay dagaal ku dhexmarayaan dowladda iyo Mucaradka.

Balse warerysigaasi markii uu dhibay kadib ayaa saxafada waxa la hadlay afayeenka ciidamada Uganda Cor.Paddy Ankunda oo sheegay in warkasi uusan wax ka jirin,isagoona tilmaamay in dowlada Uganda ay u diyaarisay Koonfur Sudan kuwa keydka wadankaasi.

Cor.Paddy Ankunda ayaa hadalkaasi mid been abuur ah ku tilmaamay waxana uu sheegay in ay diyaar yihiin ciidamo goor dhow ay Uganda ku soo biirin doonto kuwa AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com