Xasanoow: Xilka ama Xukunka mid u Xilo! W/Q. Bashiir M. Xersi

0

xasan sheekh maxamuud1Inta kugu qaldamay ama kugu qatalmay kuma jiro, hadda ooba dhiciskii hore dhulka kaaga dhacayna, waa hubaal inaadan igu qiyaamayn Wasiirro iyo wajiyo aan cisi iyo cosob lahayn (CEEB IYO CILLAD U JOOGAYAAL!). In qabiil ama qaab diimeed kuugu qiilisa ama kugu qarisase lama weynayo, mar walbase waa adiga iyo raadkaaga aad sooyaalka u reebto rafaad iyo raaxo.

Mudane Xasan Xil iyo xukun kala xulo oo mid u xilo wax kale uma dhihin, aan ka ahayn inaan labadooda la isku haysan karin dhaqan ahaanna aysan is qaban karin, oo ay habboon tahay in Mudane Xasan uu mid abbaaro, oo maxay ku kala duwan yihiin? Inta aanan kaaga warcelin aan mid kula wadaago ah, Sooyaalka hoggaaminta Soomaalida waxaa cuuryaanshay saddax canaasir oo kala ah:

1-WADAAD: Maxamed Cabdille Xasan, Sheekh Shariif IWM.

2-CIIDAN: Maxamed Siyaasad Barre, C/laahi Yuusuf, Daahir Riyaale Kaahin, Cabdi Qaybdiid IWM.

3-PROF AMA DR: C/raxmaan Faroole, Xasan Sheekh, C/Wali Gaas, C/weli Sheekh Axmed IWM.

Saddaxdan (Cunsur) mid aan haadaan iyo hog dheer ka tuurin ama aan halaag iyo hoog u horseedin Soomaali ma jiro, haddana, wali Soomaalidu kuma baruurugsana. Kaaga darane, qaarkood tilmaamta oo aysan darajo ahaan gaarin ayaaba loogu yeeraa, sida Xasan Sheekh oo magaca Prof si bug ah loogu ciyo. Isaga lama yaabo, ee Warramaayaasha qofku magac uusan u qalmin mar walba ugu yeera ayaa igala sii yaab badan.

murti Soomaaliyeed, eel eh: “Adduunka Madi iyo Macallin ayaa ugu maangaaban!” Macallinku waa cad yehee, Madiga aan macne uusan hadda na tusayn ka dhalaalsho, oo ah tirada wasiirradii hore Madi waxba ma dhaamin, illeyn ugu yaraan waxay ahayd inay ahaadaan 18Wasiir, marka tobankaa saw sidii Madi uma dhigmaan?.

Xasan Shiikh inuu Macallin ahaa ka sokow, wuxuu soo noqday maamule, balse, iswediinta baa ah: maamule dugsi iyo maamule degmo ma isku midbaa? Taa ka sokow, sooyaalka dawladeed ee dunida marka laga hadlayo, ma ku haysaan macallin noqday HOGGAAMIYE LOO AAYO? Iska fiiri kuma weydiin Madaxweyne, Wasiir iyo xil ma soo qabtay, ee waxaan ku weydiiyey wax ku soo kordhiyey bulsho iyo dawlad.

Xasan fashilkiisu ma ahayn kaliya inuu mudane Saacid xil ka qaadistiisa u adeegsaday Baarlamaan iyo beeso uusan soo beegin ee bac iyo buurso looga buuxshay! Ee wuxuu qalday talloobooyin badan oo aan ka xusi karo:

AMMAANKA: meeshii laga xoojin lahaa waxaa xilkii laga qaaday labadii dhakowyo ee uu ku taagnaa ee kala ah: Taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Abaanduuliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. C/kariim Yuusuf Aadan “Dhagabadan” taa baddalkeed waxaa taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir loo magacaabay xubin hore uga tirsanaa Alshabaab, oo la yiraa: Maxamed Aadan Koofi, gabi ahaanna waxay joojiyeen dagaalkii lagula jiray Alshabaab. Waxaa kaa taa kuu caddanaya ma jirto magaalo, degmo, tuulo, goof, barrin, gal ama haro Shabaab laga qabsaday sidii Madaxeyne Shariif aqalka madaxtooyada uga huleelay. Isweydii: Maxaa loo HAKIYEY Dagaalkii lagula jiray AL SHABAAB?!

DHISMAHA GOLAHA WASIIRRADA: Qaladkii koowaad wuxuu ahaa yaraynta tirada wasiirrada, maadaama awood qaybsiga dalku uu ku dhisan yahay beelaysi, haddii wasiirrada la gaarsiin lahaa 18Wasiir saw ma baajiyeen in beelo ay dawladda ka soo horjeestaan ama ay u arkaan mid xaqoodii ku tumatay? Kaba muhimsane, damac shaqsiyadeedka ku jira siyaasi ku sheegga Soomaali saw laguma yareeyeen? Taa kaliya ma ahan, marxaladdan adag ee dalku marayo adoo xaalka soomaali ka xaali lagu yiri (XILKASNIMO) miyaad intaa ku soo koobi lahayd wasiirrada? Ninba garashadi iyo goorti.

Marka laga soo tago tirada tobanka lagu koobay, Xasan Sheekh waxyaabaha uu uga soocmay intii madax Soomaaliya ka soo noqotay burburkii iyo ka horba, waa inuu Golaha Wasiirrada ka reebay Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Waxbarshada, oo labadaba uu hoos galiyey Wasaarado kale, oo ka ahmiyad yar, kana qiimo iyo qaaya hooseeya. Maxaa ku kallifay? Maxaa ku qasbay? Maxaa ka dambeeya tallaabadaa? Adba garo.

GUDDOONKII BANGIGA DHEXE: In ka yar sanad ayaa waxaa Bandhiga Dhexe guddoomiyenimada iska casilayey laba mudane. Bartamihii bishii September 2013kii ayaa Marwo Yussur Abrar xilkaa loo magacaabay, bil iyo maalmo ka dib, waxay gudbisay casilaaddeeda, ka hor, horraantii Jannaayo, ee 2013kii waxaa xilkaa loo dhiibay Cabdisalaam Cumar Hadliye oo isna iska casilay xilkaa bartamihii bishii Sebtember. Haddaba isweydiintu waa: GUDDOONKA BANGIGA DHEXE ma la CAYRIYEY mise waa CARAREEN?!

MAAMUL U SAMAYNTA GOBOLLADA: Fashalka maamul u samaynta gobollada waxaa ugu wacan hal arrin oo ay ka dhaxleen maamulkii Siyaad Barre oo ahaa inay TALIYE TUULO, MAAMULE DEGMO IYO GUDDOOMIYE GOBOL laga soo magacaabo Muqdisho, sidii inaan dadka dhexdoodu iska soo xuli karin. Taa waxaa ka dhashay in deegaanno badan ay sabab u noqotay in dawladda kalsoonidii loogala laabtay, ha moogaan hannaanka dawladnimo inuu Federaal (beelaysi) yahay (JAMHUURIYADDA BEELAHA SOOMALIYEED) balse, kuwan wali waxaa ku qufulan wixii Xamar laga soo xawilayey “Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin!”.

Sidii inuusan ku fillaan kala dhantaalka iyo dhimaalka ay ku dhidbeen maamul goboleedyada, waxay ku soo kordhiyeen dagaal iyo dirir hor leh, oo ay ka dhex abuureen beelihii wada deganaa, bal u fiirso deegaanno ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose, Degmada Jawhar iyo Beledweyne oo qarax ka dhammaan la’, bil walba ama qarax ayaa ka dhaca ama masuul ayaa lagu qaarijiayaa, inta waxaa dhacayaan damjadiid iyo mudane Xasan damaq iska daaye danba kama galin, oo waa daawadayaal. Intaa waxaa sii dheer duufaanta ku dhufatay deegaannada bari ee si degdeg ah loogu gurmaday, halka fatahaaddii webiga ee Shabeellada Dhexe aan sidaa loo eegin marka laga reebo booqosho Diyaarad lagu tagay, iigaba daran, xaalka oo sidaa ah, Xasan Sheekh wuxuuba ciyaar daawasho u aaday Istaadiyo Koonis, maalintaa qarax ayaa ka dhacay Beledweyne, bal adba.

Wali inta aanan kaaga warcelin weydiinta xilka iyo xukunka, aan waxyar ka dhaho xukuumaddan cusub. Waxaan maqli jiray: “Wareer cawo waa loo waa bariistaa!” iyaguse taa baddalkeed cawonimada ayey curiyeen, oo ka dhigan inay maskax fuunta ah iyo maan aan fadhin wax ku faaqideen. Yaa macne u yeeli kara in Golaha Xukuumadda lagu dhawaaqo labadii habeennimo ee xilliga Soomaaliya, waqtigaa waxaa soo jeeda waa saddax: 1-Muqayil. 2-Ciyaala suuq. 3-Mu’min Tahajud u taagan. Waxaa soo raaca qof shaqo waardiye haya. War fidiyeenna ayaa si kaftan ah loogu yiri: “Inaad Rummay iyo Joodari soo qaadataan ayey ahayd!”

Wareer cawo dadkeygoow

Waa loo waa bariistaa

Wasiiradaan habeenkoo

Waxyihiisu uu tegey

Wariyuhu halaaqiyo

Uu la waashay wiiwii

Guuraha ku wiirsiga

Walaaciyo wax yeellada

Wadaduu ku joogiyo

Yaa yaqaan wadiiqadan?

Xilliga xun ee golaha la magacaabay waxaa dheer in Wasaaradaha qaar loo dhiibay dad xirfad ahaan aan aqoon iyo ogaal midna u lahayn. Dad badan oo aan sooyaalka wax ka qoon ama illowsho dhaw ayaa la yaabban in Wasiirka Caafimaadka General Axmed Maxamed Maxamuud loo magacaabay, balse, hore ayey u dhacday xilligii Siyaad Barre, oo Cumar Xaaji Masalle ayaa laga badalay Wasiirka Gaashaanhigga oo laga dhigay Wasiirka Caafimaadka horraantii sideetameeyadii, markaa ayuu yiri: “ANIGA LA IIMA TABABARIN INAAN DAD DAWEEYO, EE WAXAA LA II TABABARAY INAAN DAD DILO!” ogoow, canaasirtani waa Ardadii Siyaad Barree. Waxaa intaa ka sii liitay in madasha lagu magacaabay Wasiirrada aysan joogin Mudane Xasan Sheekh iyo Mudane Jawaari, oo ah labada mudane ee ugu sarreeya hooggaanka JAMHUURIYADDA BEELAHA SOOMALIYEED.

Xagjirmada iyo mayal adayggu ma ahan kaliya inaad qori caaraddiis wax ku doonto, ee waxaa jira xagjirnimo siyaasadeed iyo aragti, oo Xasan bah wadaag kula yahay Siyaad Barre Aabbihii Burburka Soomaaliya, Maxamed Faarax Caydiid Madaxweyne mar i dhaha! C/laahi Yuusuf Macangag madaxweyne laga dhigay IQKB. Golihii hore ee Wasiirrada aad ayuu u dhabiilay (yareeyey) oo taban kaliya ayuu ka dhigay, haddana, wuxuu ka dhigay 25Wasiir, ay sii dheer yihiin 25 ku xigeennada iyo 5Wasiiro dawlo! Anigu yaabaye umaddan maxaa u diiday inay qaataan go’aan dhexdhexaad ah? bal maxaa diidaya in laga dhigo 18-21? Intaa kaliya ma ahan, wuxuu soo celshay hoggaankii burburka iyo haraadigii hore loogu hungoobay oo ku jiray xukuumaddii Saacid iyo xukuumadihii KMG. “Nin daad qaaday Xunbo cuskay!” dal gaajaysan oo ku nool baryo iyo deeqo shisheeye, 55Wasiir ma xammili karaa? Bal adba.

Xasan wuxuu xilalkii umadda ku hilay oo u aruurshay dad aan u qalmin, waxqabadna laga hayn. U fiirso, 10kii wasiir ee Xukuumaddii Saacid wuxuu kala soo baxay kuwii ugu wax qabadka xumaa, ee kala ah Guuleed iyo Faarax, labadii luqaafo ama luggooyo.

Xasanoow ama XUKUNKA qabo, oo xaasidnimo, qabyaalad, eex, ma dhagayste, maxaa iga galay, wax ma tare, ma saxe iwm noqo! Ama XILKA qabo, oo xushamd, xigmad, xiriirin, xigaalo dhawrid, xaqsoorid, caddaalad, sinnaan iwm horyaal u noqo, haddii kale, inta labadan aad u dhexeyso dad badannna waa kugu wareerayaan anaga waqti badan ayaad naga dhumin, waxaanse kuu sheegayaa jidka aad haysaa, waa kan xukunkee, ogsoonaaw, kuwo adiga kaa awood iyo itaal badan ayaa barqo cad la diray, ee adna inta lagaa gamayo waxa aad sii laaqi karto sii laaq! Micnaha ama xaakim xurguf iyo xasard abuura noqo ama xaaliye xilkasnimo iyo xal hele noqo. Aan ku soo xiro faallada Laashinkii ku Shirbay:

Samuulad soor kama rabee, Allow sabaabo hayga siin!

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
www.bilediraac.wordpress.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com