Haweeney Soomaali Ah Oo Lagu Magacaabo Basra Faarax Oo Ku Geeriyootay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Kabul Ee Dalka Afghanistan

0

KAB1Kabul (AGGM): Haweeney Soomaali ah oo u shaqeyneysay Hey’adda UNICEF ayaa ku geeriyooday qarax iyo weerar toos ah oo lagu qaaday maqaaxi caan ah oo ku taal magaalada Kabul ee dalka Afghanistaan.

Weerarkan oo ay sheegteen Ururka Taliban ayaa yimid markii nin naftii hure ah oo kaxeynayay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu albaabka hore isku qarxiyay, kadibna ay labo nin oo hubeysan oo maqaayada gudaha u soo galay ay bilaabeen inay toogtaan dadkii ka casheynayay maqaayada.

Haweeneyda Soomaalida ee ku geeriyootay weerarkan ayaa lagu magacaabayay Basra Faarax, waxaana ay la dhalatay qoraaga caanka ah ee Nuuradiin Faarax.

Basra oo heysatay dhalashada Mareykanka ayaa ka shaqeyneysay Hey’adda UNICEF, gaar ahaan qeybta Nafaqada, waxayna ka mid aheyd shaqaalaha rayidka ee Qaramada Midoobey ee ka howl galayay dalka Afghanistan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan, isagoo ku tilmaamay wax aad u xun.

Sidoo kale waxaa weerarkaas ku dhintay ilaa 13 ruux oo ajanaiib ahaa oo u kala dhashay dalalka Canada, Britain, Lubnan iyo Denmarka, halka sideed kale ay ahaayeen dad u dhashay Afghanistan.

Maqaaxida la weeraray ayaa aheyd goob aad u caan ah oo ay ka cunteeyaan dadka ajaaniibta iyo saraakiisha dowladda, waxaana milkiilaha maqaaxida oo lagu magacaabayay Kamal Hamda oo u dhashay dalka Lubnan uu ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com