Muqdisho (AGGM): Shirweyne caalami ah oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa maanta si rasmi ah u furay duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ujeedada kulankaas oo aheyd sidii loo hormarin lahaa magaalada Muqdisho.
Waxaana shirkaas lagu casuumay oo kasoo qeyb galay hayadaha Qaramada Midoobay (UN-ka) oo uu horkacaayay Nicolas Key, masuuliyiin ka socday hayadaha kala duwan ee Qaramada Midoobay, Wasiiro, Xildhibaano, Culumaa udiin, Ingineero iyo dad kasoo shaqeeyay horumarinta magaalooyinka.
Shirkan oo laba cisho socon doona ayaa waxaa furay mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, isagoona sheegay in ujeedada rasmiga ah ee kulankan ay tahay in la qorsheeyo magaalada Muqdisho xaga dhismaha iyo horumarkaba, isagoona hoosta ka xariiqay in dowladda hoose ee Mudisho ay ruqsad siin doonto cid kasta oo rabta dhismo cusub iney magaalada ka dhistaan, iyadoo la waafajin doono qorsheynta magaalada.
Wasiirka Tamarta iyo biyaha mudane Jaamacay Axmed Maxamed oo isna ka hadlay dhankiisa furitaanka shirkan ayaa soo dhaweeyay qabashada shirweyne noocan oo kale ah, isagoona guul urajeeyay dib usoo noqoshada Muqdishada Cusub.
Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan ayaa sidoo kale si weyn usoo dhaweysay qabsoomida shir noocan oo kale ah oo markii ugu horeysay looga hadlaayo bilic soo celinta magaalada Muqdisho, iyadoona balan qaaday in wasaaradeeda ay ku dadaali doonto la shaqeynta maamulka Gobolka Banaadir si loo soo celiyo magaalada Muqdisho quruxdii iyo qorsheynta magaalada.
Ergayga Xoghaya guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia Mr. Nicolas Key, oo kasoo qeyb galay shirkaan ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay bari aheyd magaalo aad u qurux badan, cimiladeeduna tahay meel aan la heli Karin, inuu rumeysan yahay in dib loo so celin karo Muqdishadii cusbeyd.
Nicolas key ayaa cod dheer ku sheegay inuu ka mid yahay dadka reer Muqdisho ama dadka dagan magaalada Muqdisho kuna nool yahay, isagoona ku amaanay duqa magaalada Muqdisho iyo shacabka reer Muqdisho sida quruxda badan oo ay ugu dadaalayaan dib usoo celinta Muqdishada cusub.
Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay kasoo qeyb galaan masuuliyiin sar sare oo looga arinsanayo qorsheynta iyo dib usoo celinta magaalada Muqdisho bilicdeeda iyo quruxdii bari ay lahaan jirtay, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir.
Xafiiska Warfaafinta maamulka Gobolka Banaadir
Mogadishu-Somalia.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com