Maqaal: Cali Daacuun “Magacaabistii Golaha Wasiirada Ee Laga Filaayay R/wasaaraha Cusub, Waxay Noqotay Buurtii Foolatay Ee Jiirka Dhashay”.

0

cali-dacuun1Marnaba lagama fileyn, Ra’iisul-wasaaraha cusub liiska soo baxay, maxaa yeelay ma aha wasiiradii ku haboonaa wakhtigan adag, ee aynu ku jirro, SIYAASAD AHAAN, khibrad ahaan, iyo amni ahaanba.

Soomaaliya waxay ku jirtaa, marxalad adag oo khatar ah, dhinaca amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, arrimahaas oo dhan waxaa ka bixi kara qof khibrad leh, aqoon siyaasadeedna leh, kartina ay u dheertahay.

Intooda badan, Wasiiradan cusub, xukuumadihii hore ayey la soo shaqeeyeen, waxna maanay qaban, marka laga reebo KKHARASH badan oo ay dowladda galiyeen.

Hore ayaa loo sameeyay xukuumad ka kooban 56-wasiir, wakhtigii Cumar C/rashiid, wax ay qabteenna ma jirin, iyadoo sidii u magacaaban ayey ku dul burburtay, maxaa yeelay waxay ahayd xukuumad aan lagu dhisin TALLO dan u ah umadda Soomaaliyeed.

Xukuumaddani kama aaney faa’iideysan xukuumadihii ka horreeyay ee SIQIIRAY.

Xukuumaddan cusub ee uu ka yahay Ra’iisul-wasaare Mudane C/weli, iigama muuqdaan siyaasiyiin la jaanqaadi kara beesha Caalamka, oo ka iibin kara halka aynu u socono iyo sida ay ku sugan tahay xaaladda Soomaaliya.
Nasiib darroayaan ku tilaami karaa, waxa ka soo baxay wasiirka koowaad, mana aheyn wax laga filaayay, sida liisku ku soo baxay.

Kama madhna liiska fara gelin, haddii aad akhrido xog-ogaalna aad u tahay siyaasadda Soomaaliya, waa iiga muuqdaan rag fara badan oo ka soo galay Golaha Wasiirada DHINACA MADAXWEYNAHA, arrintaasina dhaawac bay ku tahay (AWOODDA FULINTA), waxayna keeni doontaa wada shaqeyn la’aan iyo muran siyaasadeed oo si DEG DEG AH ku bilowda, waxaana xukuumaddan cimrigeedu ku soo gaabanayaa wakhti ka yar xukuumaddii hore, ee ahayd 10-KA WASIIR, waa haddii baarlamaanku ansixiyo, waxaa kale oo aan iiga muuqan xukuumaddan cusub isu dheeli-tir dhinaca Beelaha, waxaana meesha laga saaray Qaab-dhismeedkii ay beeluhu ku qeybsadeen (BAARLAMAANKA 4.5).

Waxaa kale oo iyana ka muuqda liiska Golaha Wasiirada LABO WALAALO AH, oo midna ku jiro baarlamaanka, kii kalena lagu soo daray golaha Wasiirada. Arrintan oo kale waxay khilaaf ka dhex abuuri doontaa beelaha dhexdooda, waxayna ku yeelaneysaa saameyn xukuumadda cusub in aan lagu taageerin cadaalad darrida ay sameysay.

Waxaa kale oo iiga muuqda liiska cusub ee golaha wasiirada, ballan qaadyadii Madaxweynuhu ballan qaaday, markaad riddaan ra’iisul wasaarihii hore Mudane Saacid, waxaad soo gali doontaan xukuumadda cusub, arrintaasina caqabad ayey ku noqon doontaa Ra’iisul-wasaaraha cusub, maxaa yeelay waa Wasiiro ka yimid Qasriga Madaxtooyada, mana filaayo inay ka amar qaadan doonaan ra’iisul wasaaraha cusub, maxaa yeelay isagu ma keensan.

Beesha Caalamka, way ka war-qabtaa waxa ka socda Soomaaliya, kuma aanay faraxsaneyn sidii loo riday Ra’iisul-wasaarihii hore, hase yeeshee waxay muddaba dhowraysay in Madaxweynuhu magacaabo RA’IISUL-WASAARE, Kadibna la soo dhiso golihii wasiirada.

U maleyn maayo inay ku farax san yihiin liiska soo baxay, maxaa yeelay Soomaaliduba kuma faraxsana liiska uu soo saaray Ra’iisul-wasaaruhu, waxaana la oran karaa waxa weeye BUURTII FOOLATAY EE DOOLIGA DHASHAY.
Murti ayaa oraneysa “Talada adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola”, waxaan uga jeedaa, wax talo ah oo lagala haray Ra’iisul-wasaaraha cusub ma jirto, balse DHEG UMA DHIGIN ee tiissa ayuu ka door-biday, wuxuuna soo saaray liiskan laga haaraamayo meel kasta, oo qof soomaali ahi ku nool yahay.

Khabiir Siyaasadeed

Cali Daacuun

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com