Madaxweynihii hore Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed, wuxuu magacaabay Maalin Isniin ah, taariikhduna tahay Jan 31, 2011 Ra’iisul-wasaarihii hore Mudane Farmaajo, wuxuuna soo dhisay xukuumad La magac baxday (TAYO), xukuumaddaas waxaa ka mid ahaa, C/WELI CALI GAAS oo noqday Ra’iisul-wasaare ku xigeen iyo Wasaaradda Qorsheynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah.
Mudane Farmaajo, waxaa la soo daristay Khilaaf Siyaasadeed, oo dhex maray Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan, oo ay u qarsooneyd damac siyaasadeed oo ah inuu mustaqbalka dhow isu sharaxo Madaxweyne, balse Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxba kama oga damaca Saaxiibkiis.
Shariif Xasan wuxuu ka sameystay saaxiibbo baarlamaanka gudihiisa ah, waxayna ku heshiiyeen inay abuuraan khilaaf siyaasadeed oo ka dhex abuurma Madaxweyne Sheekh Shariif sh. Axmed iyo Xukuumaddii (Tayo).
Waxaa khilaafkaas soo galay oo qeyb ka noqday Madaxweynihii hore ee Punt-land Mudane Faroole.
Waxaa kale oo khilaafka soo galay Beesha Caalamka qaarkood, oo gacanta la soo galay, gaar ahaan Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Mahiga.
Shariif Xasan iyo saaxiibadiis, waxay ka dhaadhiciyeen beesha Caalamka in Xukuumadda Farmaajo ay u badan yihiin Urur Diimeed la yiraahdo (AALA SHEEKH).
Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, way ka qarsoon tahay DAMACA SIYAASADEED EE SHARIIF XASAN, maxaa yeelay, waxay ahaayeen rag soo wada halgamay, MUDADII DOWLADNIMADANA WAX YAR AYAA KA HARSAN WAKHTIGEEDII OO WAA DHAMAAD.
Khilaafkii waa sii xoogeystay, wuxuuna Shariif Xasan ku doodayaa, Madaxweyne waxaad sameysatay saaxiibo iyo koox wasiiro ah, anigana waad igu ballan furtay, maxaa yeelay inaad Madaxweyne noqoto anigaa u sabab ahaa, laga soo bilaabo (ERETERIA, JABUUTI), waxaana kaaga eexday Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, wuxuu ahaa nin Daacad ah, hadalkii Shariif Xasan ka soo baxay aad ayuu u damqay sheikh Shariif Sh.Axmed, wuxuuna bilaabay madaxweynuhu inuu ka takhaluso raggiisii ee Shariif Xasan ku eedeeyay.
Shariif Xasan Sh. Aadan, waa nin dan leh, Sheekh Shariifna waa daacad, khilaafku marba marka ka danbeeya waa sii kordhayaa, waxaana isku dayday inay wax ka qabato DOWLADDA JABUUTI, balse kuma aanay guuleysan.
FAROOLE iyo SHARIIF XASAN, waxay heshiis ku yihiin inay meel cidla ah soo joojiyaan Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, ka dibna ay khilaafka u gacan galiyaan Dowladaha dariska ah, ee ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya.
Waxaana nasiib u helay inay dhexdhexaadiso khilaafkan ka aloosmay Madaxda Sarre ee Soomaaliya dowladda UGANDA, waxayna isug yeedhay Madaxweynihii hore iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, waxaana shirkaas qeyb ka ahaa Mr. Mahiga, oo ah wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Qoraaga Qoray qoraalkan, wuxuu goob joog ka ahaa shirkii UGANDA.
Wakhti badan ayey qaadatay in ay is fahmi waayaan Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan, balse waxaa soo dabcay Shariif Xasan, oo yiri “baarlamaanku lama shaqeyn karo Ra’iisul-wasaare Farmaajo, ee waa inuu is casilaa lana magacaabaa Ra’iisul wasaare cusub, dowladdana loo kordhiyaa muddo hal sano ah”.
La soco…………………..
Khabiir Siyaasadeed
Cali Maxamed “Cali Daacuun”
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com