Dhageyso:Baarlamaanka Oo Bari Ka Doodi Doona Wax qabadka Xukumada Cusub.

0

kulankii-baarlamaanka-91Muqdisho(AGGM): Fadhigii Golaha Baarlamaanka Soomaalia ay maanta ku yeesheen Xaruunta Magaalada Muqdisho ee  Golaha Shacabka ayaa waxaa Qoraal loogu qeybiyey Baarlamanaka Soomalia,qoraalkaas oo ahaa Wax Qabadka ay la imaan doonto Xukumada Cusub ee Soomaalia.

Xildhibaanada ayaa Qaatay Warqadihii ay ku qornayeen waxa ay qaban doonto Xukumada R/wasaare C/wali Sh Axmed,kuwaas oo soo Aqrin doona barina Dood ka yeelan doona si Codka loogu qaado 22 Bishaan oo ku beegan arbacada soo socota.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaalia  Prof. Maxed Sh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Fadhiga maanta uu Xiran yahay islamarkaan Bari la is ku soo laaban doono Si Baarlamaanka ay Dood oga yeeshaan Waxqabadka Xukumada ay la imaan doonto.

Halkaan Hoose ka dhageeyso Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com