Dhageyso: Odayaal Ka Codsaday Baarlamaanka Ansixinta Wasiirrada Cusub.

0

top-newsMuqdisho (AGGM): Munaasabad ka dhacday degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb-galeen odoyaal dhaqameed iyo xubno ka tirsan xukuumadda cusub ayaa looga codsaday mudaneyaasha baarlamanka inay ansixiyaan golaha wasiirrada dhowaan la magacaabay.

Ugaas Maxamed Bashiir oo kamid ah odoyaasha dhaqanka ayaa ka codsaday shacabka inay la shaqeeyaan xukuumadda cusub, isagoo xusay in la joogo xilligii laga shaqeyn lahaa midnimada Soomaaliya.

Suldaan Axmed Maxamed Cosoble ayaa dhankiisa sheegay in xukuumadda cusub laga sugayo wax qabad muuqda iyo inay dhammeystiraan dedaallada nabadda iyo horumarka ee xukuumaddii hore.

Xukuumadda cusub ayaa laga taageeray deegaanno kala duwan oo dalka ah, iyadoo aan wali la ansixin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com