Qurba joogta waxay Somaliland iyo Puntland ku laabteen shan iyo toban sano ka hor waana ay dhiseen degaanadooda waxayna ku joogaan si nabad ah laakiin Al-Shabaab-ka ilaaha ka dhigtay Ina Godane ma gaaleeysiin kamana hadlin hase yeeshee qurbajoogta Hawiye, Digil/Mirifle, Beesha Sade markeey ku laabteen Muqdisho iyo Gobolada Koofureed waxaa Al-Shabaab ku sheegeen gaalo mudan In la laayo!
Adeegga Zaad Service waxaa Somaliland iyo Puntland laga hirgeliyay muddo shan sano ka hor iyadoo ganacsatadu adeega Zaad isugu kala gudbiyaan lacago gaaraya boqolaal kun Doolar hase yeeshee Al-Shabaab-ka Ina Godane ee ku shaqeysta kuna sugan deegaanada Beelaha Hawiyaha, Digil/Mirifle, Beesha Sade, Ogaadeen iyo Beelaha 5aad waxay ka mamnuuceen adeega Zaadka koofurta Somalia,iyagoo Shirkaddii bixisa adeegaas ugu hanjabay inay qarxin doonaan ama shaqaalahooda leyn doonaan hadii aysan amarkooda u hogaansamin! Mamnuucida Adeega Zaad ee Muqdisho iyo Koofurtya Soomaaliya oo uu Mukhtaar Rooboow diiday inuu ku dhawaaqo waxaa ku dhawaaqay Ninka lagu Magacaabo Xuseen Fiidow oo Kasoo Jeeda Beesha Hawiye/Murursade/Habar Maxamed/Hilibi!
Shan sano ka hor waxaa adeega Internet-ka ee Viber optic la geeyay Somaliland gaar ahaan Magaalada Hargeysa, Adeegaa Viber optic waxaa dadweynaha hargaysa loo sameeyay waxa loogu yeero civic education, dadka ayaa la baray iyada oo siminaaro waaweyn oo adeegaas lagu barayo loo sameeyay Al-Shabaab internet-kaas kama hadal ilaa hada hase yeeshee markii ganacsato u dhalatay beesha Hawiye geeysteen Viber optic-ka Muqdisho wuxuu Axmed Godane soo saaray Warsaxaafadeed uu ku mamnuucay adeegaas, isaga oo adeegsanayo Tacbanayaal u dhashay beelaha Hawiye gaar ahaan Cali Dheere oo Murusade ah iyo Cali Jabal oo Reer Mantaan ah!
hadana waxaa laga yaaba inaysan marnaba beelweynta Hawiye isweydiin maxaa horumarka iyo ganacsiga Muqdisho ka dhigay Xaaraan iyo Gaalnimo,maxaase ganacsiga Somaliland iyo Puntland ka dhigay xalaal?
Axmed Godane wuxuu Warsaxaafadeed ku sheegay in shaqaalaha Hay’adaha samafalka ee Koofurta Somalia yihiin gaalo lana dili doono hasse yeeshee kuwa Somaliland iyo Puntland waxay ku shaqeeystaan si nabada ah iyada oo aan la gaaleysiin.
Beelweynta Hawiye iyo Digil/Mirifle miyaanay wali garwaaqsan in Axmed Godane yahay qabiiliiste dagaal kula jira horumarka degaanada Koofurta Soomaaliya oo Kasoo Bilaawda Magaalada Gaalkacyoilaa Xuduuda Kenya, Deegaanadaas oo ay degaan Beelweynta Hawiye iyo Beelaha Digil/Mirifle iyada oo ay deegaanadaas ku wehliyaan labadaan Beelood Beesha Mariixaan, Ogaadeen, Dirta Koofured, Beelaha Banaadiriga iyo Jareerta iyo Beelo kale oo yar yar.
Beelweeynta Hawiye iyo Digil iyo irifle ma waxay garan waayeen inay gumeeyaan horjoogayaasha u dhashay qabiilka ee fuliya danaha Ina Godane?
Maxaa looga waayay Beesha Hawiye cid weydiiso Cali Dheere, Cali Jabal, Bashiir Qoslaaye, Gaagaale, Mahad Karatee, Xasan Afrax, Khaliif Cadale sababta ganacsiga iyo horumarka Xamarka ku noqday Xaaraan iyo Gaalnimo halka kan Hargeysa iyo Garowe ka yahay xalaal iyo islaanimo??
Habargidir iyo Xawaadle waxay Al-Shabaab ka sifeeyeen degaanadooda ay gaarka Sooca ah u degan yihiin hasse yeeshee Alshabaab waxay dhulka Hawiye uga dhuumaaleeysanayaan degaanada Murusade, Duduble, Gaaljecel iyo Beesha Abgaal Cismaan oo ah reerka Madaxweyne Xasan Garguurte ka dhashay, Beeshe Waceysle oo Madaxweyne Hassan Garguurte ka dhashay dhulka ay deegaan ahaan Gaarka ugu degen yihiin ayaa la sheegayaa in Al shabaabka haysta oo ka taliya uu yahay Tobonaan Wiil!! Sidoo kale Deegaanada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose oo ay degaan beelweyna Hawiye, Digil/ Mirifle iyo Beesha Shanaad ayaa la sheegayaa shabaabka ka taliyaa inuu yahay mid aad u tabar yar, haatan dagaaladii goboladaas shabaabku uu haatan ugu jiro Qaab qabiil, isaga oo qabaailaadkii iska wada hor keenay.
Hadii Beesha Abgaal Cismaan oo talada Dalka heysay shantii sano ee ugu danbaysay garan weysay in Godane iyo kooxdiisa duulaan ku yihiin degaano gaara maxay ganacsatada Hawiye u sameeysan la yihiin Ciidan soo afjara kuwa maalin walba ay siiyaan Boqolaalka kun ee baadda ah?
Cali Dheere ayaa sheegay in Xarakada Shabaab lumisay taageerada beesha habargidir wuxuu hadalkaas ku hantaaqay kadib markii Ahmed Godane balanqaaday inuu bixin doono magdhaw dhamaan dadkii kooxdiisa Al-Shabaab ka dishay beesha Habargidir.
Ballanqaadka Godane wuxuu qeyb ka yahay dhagartiisa cusub ee uu doonayo inuu beesha Habargidir ku xod xoto maadaama beesha Habargidir sedkii dawladda ku lahayd aan laga siinin, Beesha habargidir ayaa sheegtay inay muhiim tahay in maalin uun loo daldalo ina Godane iyo Kaba qaadyada Caabuda in loo daldalo waxgalkii beesha ee uu xaqdarada ku laayay.
Isku soo duube Cali Dheere, Cali Jabal, Xuseen Fiidoow, Mahad Karatee ayaa noqday kuwo loo isticmaali in Magaalada Muqdisho dadkeedu aysan ebid helin Nabad iyo Nolol iyaga oo dhamaan shaqaale u ah Ina Godane oo ay iyagu Xamar kusoo Dhoweeyeen.
Ina Godane ayaa Jagooyinka Muhiimka ah ee dhaqaalaha iyo amniyaadka u Dhiibtay rag ay isku beel Yihiin oo magacyadooda lagu sheegay Xudeyfa, Mahad, Sahal Iskudhuuq, Faruur iyo Dhalinyaro badan oo busaaradi ku qabatay Hargaysa balse markii Koofurta yimideen laga dhigay Madaxda sare ee Xarakada dad qalatada ee Alshabaab Dhalinyaradaas amniyaadka, Hubka iyo Dhaqaalaha gacanta ku haaya oo aan magacyadooda aad loo garaneyn maadaama ay magacyada bedeshaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com