Kismaayo (AGGM):Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Xalay weerar Madaafiic ah lgu qaaday Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kaasi oon ilaa hada la ogayn qasaaraha ka dhashay.
Madaafiicda ayaa laga maqlayay qeybo ka mida gudaha magaalada Kismaayo, goobjooge ku sugan Kismaayo ayaa waxaa uu inoo sheegay in saqdii dhexe ee xalay tiro madaafiic ah dhawaqooda laga maqlay Magaalada.
Isku soo wada duuboo Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose ayaa shalay waxaa ka dhacay munaasabad lagu sheegay in lagu caleemo saarayay horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com