Mudane Farmaajo, wakhtigaas wuxuu ku sugan yahay Muqdisho, waxaa loo soo diray diyaarad, wuxuuna ka baxay caasimada 5-tii Galabnimo, wuxuuna habeenkii u hoyday Magaalada (Kampala ee Wadanka Uganda).
Mudane Farmaajo, wuxuu ka qeyb galay shirkii laba geesoodka ahaa ee lagu dhex dhexaadinayey Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Shariif Xasan. waxaa loo sheegay Mudane Farmaajo inuu tanaasulo, oo uu baneeyo kursiga Ra’iisul-wasaaraha.
Farmaajo, isagoo eegaaya khilaafku meesha uu gaaray iyo danta dalka, danta umadda, wuu aqbalay inuu is casilo; balse laga tala geliyo magacaabista Ra’iisul-wasaaraha cusub, waa laga aqbalay, wuxuuna miiska soo saaray nin ka mid ah raggii wasiiradiisa ahaa, oo la yiraahdo C/weli Cali Gaas, iyadana waa laysku raacay. Waxaa kale oo heshiiska ku jiray qodobbo badan, oo aan waafaqsaneyn Axdigii KMG ahaa, waxaana heshiisku soo baxay June 9, 2011 waxaana loogu magac daray KAMPALA ACCORD.
Qoraaga qoray qoraalkan, waa goob-joog.
Heshiiskaa ka dib, waxaa laysugu yimi Magaala Madaxda Soomaaliya Muqdisho, iyadoo umaddu iyo xildhibaanadu ay ka murmayaan heshiiska ka soo baxay Uganda ee loogu magac daray KAMPALA ACCORD.
Maalin Khamiis ah, taariikhduna tahay June 23, 2011 waxaa loo magacaabay Ra’iisul-wasaare C/weli Cali Gaas, wuxuuna soo dhisay Golihiisii Wasiirada, wuxuuna geedka salkiisa ka jaray Wasiiradii ay isla ahaayeen TAYO, wuxuuna soo magacaabay xukuumad la magac baxday BAD-BAADO.
Waxaa abuurmay khilaaf cusub oo daba jooga (Kampala Accord), hase yeeshee xukuumaddii C/weli way ka hor timi inay la shaqeyso baarlamaanka, waxayna diiday inay ixtiraamto Axdiga KMG ah, maxaa yeelay waa isku talo C/weli Cali Gaas iyo Shariif Xasan, waxayna ku dadaalayaan in la hirgeliyo wixii lagu soo heshiiyay markii la joogay Wadanka Uganda.
Xildhibaanadu way yaabban yihiin, Soomaalidu way yaabban tahay, waxayna ku dhawaaqayaan in Heshiiska la keeno Baarlamaanka, si loo waafajiyo Axdiga KMG ah, Cid dheg jalaq uma siin.
Muddo ka dib, xildhibaanadu way fahmeen in shuruucdii dalka laga hor mariyay heshiiskii Kampala Accord, mudanayaashu waxay galeen abaabul, waxaana bilowday khilaaf siyaasadeed, iskuna shareeray cirka, waxayna isku raaceen mudanayaashu inay doortaan shir Guddoon cusub, marka laga reebo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad, oo aan la aragti aheyn Shariif Xasan iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad. si deg deg ah, ayaa baarlamaanku u fariistay, waxayna shir guddoon u doorteen MADOOBE NUUNOW, waxay kaloo ay doorteen Guddoomiye ku xigeenka 1aad nin la yiraahdo C/FATAAX.
Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, ma aqbalin natiijadii baarlamaanka ka soo baxday iyo doorashdii ay doorteen shir guddoon cusub, wuxuuna ixtiraamay heshiiskii Kampala Accord.
Wakhtiga iyo maalmuhu way is-gurayaan, waxaana bilowday shirar lagu qabanaayo wadanka Kenya, markii danbana isu badalay saxeexayaashii Road-map-ka, inkastoo ay ku jirtay heshiiskii Kampala Accord, wax la yiraahdo saxeexayaal.
Khabiir Siyaasadeed
Cali Daacuun
La soco qeybta saddexaad……………
Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com