Muqdisho (AGGM): Afhayeenka Midnimada iyo Dhaqanka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriya Cali oo waraysi gaar ah siiyay K24 ayaa ka hadlay mabda’a Kooxda Alshabaab isagoona ku eedeeyay xasuuqa Umadda Soomaliyeed.
Nabadoonka ayaa sheegay in alshabaab ay yihiin caruur la marin habaabiyay isla markaana Janno Been loo sheegay isagoona is waydiiyay faa’idada ku jirta daadinta dhiiga qof muslim ah oo aan waxba galabsan.
“War nin walboow naftaada xukun ilaahay ka baq islaan ma tahay iska daaya dadka muslimka ah ee aad xaqdaradda ku dileesaan hadaad cibaado rabtaan masaajidada maad tagtaan maxaad dadka udileysaan janada aad sheegeesaan saas laguma galo” ayuu yiri nabadoon Axmed Diiriya.
Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com