Dhageyso: Wakiilka Ugaaska Beesha SADE Ee Yurub “USC Iyo SNM Ayaa Ku Heshiiyay Turkiga.

0

Brussels (AGGM): Wakiilka Ugaaska Beesha SADE Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ee midawga Yurup , ahna xiriiriyaha Jaalliyadaha beelweynta SADE ee qaarada YURUP Maxamud Sheekh Daahir Cali Ciye ayaa ka soo horjeestay heshiiskii ay dawlada Soomaaliya 19kii bishaan magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga kula gaartay Somaliland, isagoo ku tilmaamay qodob kamid heshiiskaas mid fadeexad iyo aflagaado ku ah umadda Soomaaliya.

Wakiilka Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi, Maxamud Sheekh Daahir Cali Ciye oo magaalada Brussels kula hadlay saxaafada ayaa sheegay in heshiiskaas ay minjaxaabiyeen kooxo yar oo aan matali Karin magaca Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Adeer waxaa lagu xadgudbay qarankii Soomaaliya, ee jiritaanka umaddaan sababta u ahaa, haddey ahaan lahayd horumar waxbarasho, oo aysan jirin cid uusan wax soo barin, mid dhaqaalle, iyo heykal Soomaalimo, markaasaa jabhado iyagu umadda Soomaaliyeed burburkeedii ka taliyey, ay ku xadbeen qaddiyadaas” wuxuu hadal sii raaciyey wakiilka Ugaaska in arrintaan ay aad uga xunyihiin.

Wakiilka Ugaaska beesha SADE ayaa si deg deg ah uga dalbaday madaxda Soomaaliyeed inay qodobka ku xadgubka dawladii kacaanka Soomaaliyeed laga saaro heshiiska, haddii arrintaas ay dhici waydana looga fadhiyo in shacabka Soomaaliyeed ay arrintaan ka dhiidhiyaan.

istanbul shir

Dowladda Soomaaliya Ma dareemaysaa mase ka  Marag kaceeysaa in 1991 Xasuuq cadowtinimada ah ay geeysteen USC iyo SNM iyagoo laga soo adeegsaday dalal shisheeye ah cadowna ku ahaa Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed si ay u bur buriyaan Qaranimada iyo Sharafta Soomaaliyeed?  Dowladda Soomaaliya Ma Cambaareeynaysaa Falalkaas? Jawaab Cad ayaa laga Doonayaa Dowladda Soomaaliya.

Abdixakiin Yaasiin Maxamuud
Antwerpen, Belgium 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com