Dhageyso+Daawo Sawirada:Maamulka Gobolka Banaadir oo Qalab Sport Gudoonsiiyey Dhalinyarada Degmooyinka

0

Muqdisho(AGGM): Qalabkan Isboorti ee maanta loo qeybiyay cayaartoyda 17ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa waxa uu Iskugu jiray Maaliyado, kabo iyo kubado kala duwan sida kuwa Basketka iyo kubadda cagta waxaana Maamulka gobolka horay ugu wareejiyay mashruuca Danguud ee ka shaqeeya gobolka Banaadir.

Munaasabadan degmooyinka lagu gudoonsiinayay qalabkan oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa kaqeybgalay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, mas?uuliyiin kale oo katirsan dhanka Sportiga iyo cayaartooy caan ka ah Dalkeena.

Qalabkan ayaa loogu talagalay in cayaartoydu ay uga qeybgalaan tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo Lafilayo in bisha Febraayo uu ka furmo magaalada Muqdisho iyadoo munaasabadaasi lagu sheegay Qaabka isku aadka kooxaha kaqeybgalaya tartaankaasi.

Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo Munaasbadan ka hadlay ayaa sheegay in qalabkan uu dhiirigelin u yahay cayaartooyda kooxaha Kaqeybgalaya tartankaasi, islamarkaana ahmiyadda ciyaarahan ay tahay mid loogu talagalay kor u qaadista Isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed ee kunool caasiamdda dalka ee Muqdisho.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir oo gabagabadii munaasabaddaasi warfidiyeenada la hadlaya ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu makale qaban doono tartankii xiisaha badnaa ee isdhexgalka bulshada iyo xifaal tankii dhanka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Baanadir.

Isagoona sheegay in dhamaan dagmooyinka gobolka Banaadir ay kawada qeyb qaadan karaan, iyadoo sanadkan maamulka Gobolka uu uqeybshay kooxaha kubadda cagta dagmooyinka dhan qalab Sports oo dhameystiran.

Maaha markii ugu horeysay oo maamulka Gobolka Banaadir soo qaban qaabiyo tartamo ciyaaro xiiso badan kuwaaso dhexmara kooxaha kala gadisan ee dhamaan dagmooyinka gobolka Banaadir, iyadoona sanadkii 2011- ay la galbadeen koob xiiso badan kooxda kubadda cagta dagmada Dharkinleey, kadib markii ay ka badiyeen dhamaan kooxaha kale ee gobolka Banaadir.

muq muq1 muq2 muq3 muq4 muq5 muq6 muq7 muq8 muq9 muq10 muq11 muq12 muq13

Xafiiska Warfaafinta maamulka Gobolka Banaadir
Mogadishu-Somalia.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com