Dhageyso: Gobolada Gedo Iyo Jubbooyinka Oo Laga Soo Dhaweeyay Ku Biirida Ciidamada Itoobiya Ee AMISOM.

0

Ceelwaaq (AGGM): Saraakiisha ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan in ciidanka Itoobiya ku biiraan howlgalka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya.

Abaanduulaha ciidamada Dowladda ee Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo Col Cabaas Ibraahin Gureey oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan ku biiritaanka ciidanka Itoobiya howlgalka AMISOM ee dalka.

Wuxuu sheegay kamid noqoshada ciidanka Itoobiya inay usahlayso inay ka guuleystaan Al-Shabaabka dagaalka kula jira Dowladda iyo ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan.

Shacabka Soomaaliyeed, ayuu sheegay Col Cabaas inay ku qanacsan yihiin ciidanka Dowladda Soomaaliya, marwalibana sidaasi si lamid ah laga rabo.

Ciidamada Itoobiya ayaa si rasmi ah shalay waxa ay uga mid noqdeen ciidanka AMISOM ee dalka Soomaaliya ka howlgala, iyadoo taasi Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweysay.

Ciidamada AMISOM ayaa hada ka kooban ciidan ka socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti Sierria Leon,Kenya iyo Ethiopia oo hada kusoo biirtay, waxaana dhamaantood heegan ay uyihiin dagaalka Ururka Al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com