Dhageyso:Odayaasha Baledweyne oo ka hor yimid Maamul Goboled laga Dhiso Gobolada Dhexe

0

Baledweyne(AGGM): Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Baledweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan waxaa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan Shir maamul loogu sameenayo Gobolada Dhexe ee dalka Soomaalia.

Odayaasha oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baledweyne ayaa sheegay in ay Qaadacayaan Shir lagu dhisayo Maamul Goboleed Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaalia,kaas oo uu ku jiro Gobolka Hiiraan.

waxaana ay Tilmaameen in Dadka Gobolka Hiiraan ay u madaxbanaan yihiin Maamul loo dhisayo Gobolka Hiiraan aysana aqoosan Doonin Maamul laga dhiso Gobolada Dhexe oo Hiiraan uu ku jiro.

Halkaan Hoose ka Dhageeyso Warbixinta Arintaas

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com