Marka(AGGM): Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa saaka Deegaanada Buulo mareer iyo Haawaay oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose ka wada Baaritaano Xoogan oo ay ku qab qabanayaan Dadka ku nool Deegaanadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Baaritaanka Xoogiisa Maleeshiyada ay ka wadaan Deegaanka Buulo mareer oo ay soo dhoobeen Ciidamo farabadan,kuwaas oo Baaraya Gaadiidka iyo Dad weynaha.
C/rixmaan Axmed oo ka mid ah Dadka ku nool Buulo mareer ayaa sheegay in Maleeshiyada Al-shabaab ay Qab qabteen Tiro dad ah oo ay ku sheegeen in ay yihiin Basaasiin islamarkaana ay oga Shaki qabaan in ay wax ka ogaadeen Weerarkii Shalay Galinkii danbe ka dhacay Deegaanka Haawaay ee Gobolka Shabellaha Hoose.
“meelaha ugu badan ee ay Baarayaan Al-shabaab waa Kontoroolada soo gala Buula mareer iyo Haawaay iyo kuwa ka baxa si ay ula socdaan Dhaq dhaqaaqyada Dadka,ilaa Xalay waxaa ay qabteen 20-Ruux Dad gaaraya”ayuu yiri C/rixmaan.
Galinkii danbe ee Shalay ayaa waxaa Diyaaradaha aan Duuliyaha la heyn ee Dalka Mareykanka waxaa ay Weerareen Horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo halkaas qaar ay ku dileen.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com