Maqaal: Cali Daacuun “Sooyaalkii Siyaasadeed Ee Soo Dhexmaray Madaxweyne Sheekh Shariif, Farmaajo, Shariif Xasan, Cadiweli, Faroole, Kampala Accord. Qaybti 7aad.

0

Mr. Mahiga, oo u dhashay wadanka Tanzania, waxaa loo soo xil saaray wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Mr. Mahiga, ma ahayn nin daacad u ah shaqadiisa, balse wuxuu ahaa nin ku howlan dhaqaale uruursi, wuxuuna saaxiibo ku yeeshay dowladdii markaa jirtay, ee uu Ra’iisul-wasaaraha ka ahaa Cabdi-weli Cali Gaas. marar fara badan ayaa ka soo yeeray hadallo aan munaasib ku aheyn qaranimada Soomaaliyeed.

Mr. Mahiga, waxa uu warbaahinta ka yiri maalin maalmaha ka mid ah “Aala Sheekh iyo shabaabku waa isku mid” si deg deg ah, waxaa jawaab fudud u siiyay Madaxweynihii hore Mudane Sheekh shariif, wuxuuna yiri “Mahiga marad ayaa ka dhacday, haddii uu hadalkaa yiri”.

Mr. Mahiga, ma oga kamana war-qabo inay Muqdisho tahay Qabrigii Diblomaasiyadda, safiir loo soo magacaabay dib-dambbe dowladdiisu shaqo uma diran, maxaa yeelay, waa meel aad u adag Soomaaliya, lagana shaqeyn Karin.
Mr. Mahiga, waxuu go’aansaday inuu dhaqaale uruursi bilaabo, inta uu ku magacaaban yahay Safiirka u fadhiya Soomaaliya Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa.

Ra’iisul-wasaarihii hore Cabdi-weli Cali Gaas, markii Road-map-ku soo gaba gaboobay, saxeexayaashiina howshooddii dhamaatay, waxa uu beesha Caalamka ku yiri “Aniga iyo Mahiga waa in nala siiyaa Nobel Prize” beesha Caalamku way la yaabtay Mudane Cabdi-weli, waxayna ugu jawaabeen Maxaad ku muteysateen in laydin siiyo Adiga iyo Mahiga Nobel Prize-ka?! waxa uu yiri sidan hoos ku cad:

1- Waxaanu nahay Madaxdii KMG-ka ka saartay Soomaaliya.
2- Waxaanu nahay kuwii dalka gudihiisa ka hirgaliyay doorasho.
3- waxaanu nahay kuwii Dastuur-ka sameeyay.
4- Waxaanu nahay Madaxdii la dagaalan tay inaan la kororsan mudada dowladnimada, ee loo dareero doorasho iyo xulista baarlamaanka.

Beesha Caalamku way la yaabtay, maxaa yeelay sidaa laguma qaato Nobel Prize-ka, waxuu kaloo garan waayay in doorasho ay ka dhacdo dalka gudihiisa, waxaa hirgaliyay ciidamada AMISOM, waxuu kaloo garan waayay, inaanu meesha ool Dastuur bini’aadan-ba ku dhaqmo, waxuu kaloo garan waayay inaan KMG-kii laga bixin, ee Beesha Caalamku ay tiri hala qariyo magaca, Soomaaliya waxay KMG ka bixi kartaa marka ay dhacdo Doorasho ONE MAN ONE VOTE.

Butrus Gali, waxaa loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa taariikhdu markey aheyd Janaayo 1, 1992, wuxuuna saaxiib ka dhigay Mr. Mahiga, markii danbe-na wuu khiyaameeyay, bal akhriya buuga uu qoray Butrus Gali, waxaad ka heleysaa dhaliilo badan oo ku waajahan Mr. Mahiga.

Cabdi-weli Cali Gaas, Wasiirada garbaha u ahaa ee taladda kama dambeysta ah uu ka qaadan jiray, waxay kala ahaayeen Wasiirkii Dastuurka Mudane Xoosh, Wasiirkii Warfaafinta iyo Boostada Mudane Jaahweyn, Wasiirkii Iskaashiga Caalamiga Mudane Goodax oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka. Wasiirada la baxay badbaado, kuwii ugu muhiimsanaa weeye, waxaana gacan yare u ahaa Xukuumadaas badbaado Mudane Kamaal Xasan Guutaale oo hadda ah Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Waxaan maleynayaa in is-bedel siyaasadeed innagu soo fool-leeyahay, maxaa yeelay kooxda BDDBAADO waa inay meel isugu luga duwataa.

Cali Daacuun
Khabiir Siyaasadeed

LA SOCO QEYBTII 8-AAD…………………..

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com