Soomaaliya Oo Noqotey Goob Ganacsi Oo Ay Ku Loo Lamayaan Africa, Asia Iyo Western World! W/Q. Zaynab Sheikh (Ina Gaadokaroor)

0

Laga soo bilaabo ilaa iyo xiligii uu gumaysigu yiri waxaan siiyey waqooyi iyo konfurta Somalia xornimo, xorniadaas oo aaney Somalidu fahmin micnaheeda ayaa Dalka Somalia wuxuu ku jirey guumeysi dadban kaas oo dhan walba ay si hoose faragalin siyaasadeed ay ugula jireen dalkaas ilaa iyo manta dawladihii gumaysan jirey Somalia iyo kuwa kaleba.

Wadamada Dariska Nala ah oo xalaalsadey Dhulkii Horey Gumeysiga usiiyey ayaa mantey raba inay ku darsadaan mid kale si aan dib danbe loogaba hadlin kii hore oo dhulbalaarsi raba ayagoo isticmaalaya niman caado qaato yaal ah oo calooshood u shaqaystayaal ah oo aan damiir lahayn iyo waliba xoog.

Wadamada kale ee Africa oo ay u noqotey goob ay usoo raadsadaan ila dhaqaale iyagoo ku imaanaya magac amni.
Carabta oo mabda oodu ka duwan yahay kan dhulbalaarsiga ee uu yahay inaysan ka dhalan Somalia Dawlad keenta xasilooni ama Nabad.

Western oo aanba waligood faraha kala bixin siyaasada dalka oo iyana kuloolamaya qayraadka dalka oo hadba waji cusub kumada daalinaya uma Somaliyeed.

Hadaba Somalia, baritaan dheer markii ay sameeyeen wadamada calamka ee horumay waxay ogaadeen inay tahay wadan barwaaqo ah oo dhan walba hodan ka ah ayagoo baaritaankooda ka eegay Bada; Bariga iyo waliba cimilada wanaagsan ee Alle uu kumanaystey dalkeena taas oo ay waliba sii dheer tahay sida uu calamka intiisa kale ay ugu tahay goob strategic ah dhan dhaqaale hadii loo eego Indian Ocean iyo waliba Pacific ocean ba.

Sidoo kale dhul ahaan ama geographic ahaan waxaa la xaqiijiyey inay Somalia tahay dhul hodan ku ah qayraad aad u fara badan oo dabiici ah.

Tusaale ahaan hadii aan usoo qaato qayraadka dalkeena mid ka mid ah, Waa Saliida ama petrol ka, taasna waxaa daliil u ah waxaa jirtey xili aan wada soconey dad bartey ciliga qaab dhismeedka dhulka iyo waxa uu yahay taarikh ahaan (geologist), waxaan ogaadey in dhulkeenu uu wada calaamadeysan yahay xiligaas oo ay og yihiin meel walba oo kamid ah dhulkeena waxa ku jira sababtoo ah xiligaas waxaan xasuustaa meelo badan oo kamid ah Somalia oo aan marney dhagaxda kulka ku jirta oo dhan waxaa ku qornaa tiro, tiradaas oo calaamad u ah dawladaha gumaysiga dadban ku haysta Somalia oo ilaa iyo maantey hadba qab cusub siyaasada dalka u badalayo ayagoo hadba is ticmaalayo umadii Somaliyeed oo aan aragtida dheer lahayn oo aan waliba aqoon ku filan lahayn ogaadeyna inaysan ahayn umad wadaniyiin ah intooda badan.

Xiligaas aan wada soconey aqoon yahaniintaas ku taqasustey cilmigaas geologist Dhagxaanta dalkeena inta badan waxaa ku qoran 710 oo marka gadaal gadaal loo aqriyo micnaheedu tahay afka luqada English ku ah OIL.

Taasina waa hal tusaale sida ay Somalia u tahay barwaaqo soran markii loo eego wadamada calamka ee aan u hanqaltaagayno ee ay Somalidu qaxootiga ku yihiin.

Somaliyey waxaad ogaataan Gumeysiga dadban inuusan rabin labo Somali ah oo is Af fahanta oo isku raacda hal fikir. Waxaad kaloo ogaataan wadamo badan oo aad aaminsan tihiin inaad isku caqiido tihiin inaysan rabin in ay Somalia noqto dal nabad ah oo ay ku bixinayaan dhaqaale aad u badan si aysan xasilooni uga dhicin dalka.

Sababtoo ah waxay og yihiin oo aaminsan yihiin sida xaqiiqda ah dhul ahaan Somalia Dhulkeedu inuu yahay dhul siman oo fidsan oo ah Dhul hoose marka loo eego wadamada Carabta. Hal Ceel oo Shidaal oo laga qodo Somalia waxay u keeneysaa inay waayaan Shidaalka ay maantey haystaan oo uu kusoo shubmo Ceelka hoose ee laga qodo Dalkeena Somalia.

Si aysan taa u dhicin waxay ku dadaalaan in ay hadba taageeraan kooxo cusub oo qalqal galiya Nabada iyo Jiritaanka Bulshada Somaliyeed iyo mid Dal ahaanba.

Hadaba Soomaaliyey Gumeysiga dadban ee siyaasada dalka gacanta ku haya iyo midka lamid ka ah oo eeganaya danahooda gaarka ah inta ka wada fikirtaan oo aad isku mabda ka noqotaan u midooba horumarka iyo dhismaha dalka iyo dadka Somaliyeed meel walba oo aad Calamka ka joogtaan.

Xaqiiqdii waxaa hubaal ah in calamka aan mantey ku nool nahay nimcada uu Alle inaysiiyey inaysan jirin wadan Nala mid ah hadaan nahay Somali. Haday noqoto Khayraadka dhulkeena, Badeena, Wabiyadeena iyo Hawadeenaba uu Alle Subxaana Watacaalaa inoogu deeqay. ayaana. Alxamdulilaah Allow adigaa mahadaas Iska leh, yaa rabi.

Dhanka Kale Caalamka Kama jirto wadan Sida Somalia oo kale oo 100% isku Diin ah, Isku Af ah, Isku Dhaqan ah oo dhan walba markaad ka eegto is wada dhaley oo isku qoys ah, waa nimco iyo naxariis gaar ah oo uu Alle Subxaana Watacaalaa ugu deeqay umada Somaliyeed. Balse waxaad moodaa inay ilaaween In ay Alle ku shukriyaan naxariista gaarka ah ee uu ugu deeqay umadiisaan.
Siday aniga ila tahay; Somalidu waxay ilowsan tahay inay u fikirto oo waliba u dhaqanto sidii hal qoys ama hal koox oo kale sababtoo ah sida dhabta ah Somalia waa hal qays maaha labo qoys.

Qoyskii ayaa batey oo isku soo laalaabtey, Xaqiiqdii markaad si hoose u eegto maahan dad meel kala jira waa dad is wada dhaley; ee inta Alle loo noqdo gumeysiga dadban ee faraha kulul inagu haya aan hal meel uga soo wada jeesano oo aan nimcada Alle inoogu deeqay aan si xor ah aan u wadaagno. Waa inaga wada badan tahaye.

Qoraha Fikirka Aqoon yahanad Somali Ah: Zaynab Sheikh (Ina Gaadokaroor)
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com