Addis Ababa (AGGM): M/Weynaha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay shirka midowga afrika ee ka soconaya magaalada Adis-ababa ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan qorshayaal meesha looga saarayo awooda Alshabaab.
Sida lagu qoray boga idaacadda ku hadasha codka Mareykanka qeebteeda dunida la hadasha M/Weynaha ayaa ka meermeeray xusida waqtiga ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay ku cirib tiri karaan xarakada Alshabaab.
”Ma doonayo inaan buunbuuniyo oo aan iraahdo qatarta Alshabaab ayaa si baaxad leh dhakhse hoos loogu dhigayaa, laakiin waqti dheer ayay qaadaneysaa”ayuu yiri M/Weynaha oo arimahaas ka hadlaya
M/Weynaha ayaa soo dhaweeyay bahoobida ciidamada ka socda wadamada Afrika ee sida uu sheegay ujeedkoodu yahay cagmarinta xarakada Alshabaab.
Hadalka M/Weynaha ayaa ku soo aadaya xilli dalalka Ethopia iyo Kenyan ay baqdin weyn ka qabaan weeraro aargoosi ah oo ka yimaada xarakada Alshabaab.
Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Kenya Amina Maxamed oo dul mareysay foojignaanta Kenya ayaa xustay in goob kasta laga filayo qatarta xarakada Alshabaab ee Aargoosiga badan.
Wasiiru dowlaha arimaha dibada ee dalka Ethopia Berhane Gebre-Christos oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in Xarakada Alshabaab ay tahay qatarta ugu weyn ee Adis-ababa.
Xarakada Alshabaab iyo wadamada ciidamada u soo dirsaday Soomaaliya ayaa is daafsadaan hanjabaado kulul oo dhinac walba oo ku cabsi galinayo midka kale ayadoo ay taa bar bar socoto baqdinta ay kala qabaan.
Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@hotmail.com