Dhageyso: Jaamacad Laga Furayo Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud & Xafladii Furitaanka oo Socota

0

Caabudwaaq(AGGM): Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa markii ugu Horeysay waxaa laga furayaa jaamacada,Jaamacadaas oo lagu magacaabo Jaamacada Galgaduud Universty.

Axmed Max’ed Caafi oo ku Magac dheer AXmed Gaaruf oo wareysi Siiyey warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa sheegay in Jaamacadaan ay dhawaan ka Hirgalin Doonaan Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Goboka Galgaduud,waxaana Furidaan keeda ka soo qeyb galay Dad farabada oo ka kala yimid  Dalka iyo Dibadiisa.

Axmed Max’ed ayaa sheegay in Jaamacada Kuliyadaha lagu bilaabayo ay yihiin,Dhaqaalaha, Cilmiga Maamulka, Caafimaadka iyo Daawada Beeraha iyo Daryeelka Xoolaha iyo sidoo kale Cilmiga waxbarashada .

waxaa sidoo kale Jaamacada sanadka ugu Hireeya lagu Furayaa ilaa 500 oo Artay oo wajiga Koobaad lagu bilaabayo islamarkaana ay Diyaar yihiin arintaasi.

Halkaan Hoose ka dhageeyso Wareysi  Axmed Max’ed Caafi Wareeysigaas oo Dhinacyo Badan taabanaya

galguduud

Isha ku hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com