Addis Ababa , 31 January 2014, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay heshiiska IGAD ee ku aadan Dalka Koonfur Suudaan.
Madaxweynaha oo ka hadlay khilaafka ka taagan South Sudan ayaa wuxuu sheega “IGAD door weyn ayey ka qaadatay xalinta khilaafka ka taagan Dalka Koonfur Suudan, Dowladda Soomaaliyana ayadoo kaa-shaneysa saaxiibadeeda waxey ka shaqeysay in ay isku soo dhawaadaan labada dhinac iyo in xabadda la joojiyo. Waxaa muhiim ah badbaadinta shacabka iyo in la dhowro xuquuqda bini’aadamka. Waxaan kale oo aan ku heshiinay in barakacaayaasha si xor ah ay ugu noqon karaan guryahoodii.”
Ugu danbeyntii waxaa shirkan laga soo saaray qoraal cad oo qeexaya qaabka loo adkeynayo xabad joojinta.
-DHAMMAAD-