Dhageyso: Ciidamadii AMISOM oo ka baxay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho(AGGM): wararka laga Helayo Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Ciidamo iskugu jiro  kuwa Dowladda iyo AMISOM ay iskaga Baxeen degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada sidoo kale ay iskaga Baxeen Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir,ayadoona lagu soo waramayo in Ciidamo farabada o wata Gaadiidka Dagaalka ay ka baxeen degmooyinkaasi.

Mid kamid ah Dadka Deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamadaasi ay ku wajahan yihiin Gobolka Shabellaha Hoose si ay ula dagaalaan Kooxda Al-shabaab inkastoo ilaa hada aan Cadeyn toos ah aan la heyn.

Halkaan Hoose ka dhageeyso Goobjooge ka mid ah Dadka Deegaanka

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com