Hardanka Qabyaaladda Siyaasadeysan iyo jahawareerka ka socda Baydhabo iyo Kismaayo, sidee xal looga gaari karaa,maxaase keeney inuu ka biloowda hardanka qabyaaladda siyaasadeysan ee ku dhisan dhul boobka indha la’aanta ah. Cudurka ah Qabyaalad la siyaasadeeyey xal waara ma lagu gaarayaa, Doctorka daaweynta marka uu daaweynayo qof jiran wuxuu ku sameeyaa baaris hadba sida ay tahay xalaadda bukaanka, ka dibna daaweyn buu ku bilaabaa isla markaana daaweyntaas waa mid ah Tijaabo “ Trail” waayo Takhtarku uma sheego bukaanka inuu ku biskoon doona 100% waayo ma ahan wax uu asagu kafaalo qaadi karo, laakiin haddii uu Takhtarku siiyo bukaanka ama ku beero waxyaabo u keenaya cuduro kale iskaba daa inuu ka kabto cudurkii hore ee hayey bukaanka sidaa waxaa la mid xalaadda soomaaliya oo ah bukaan jiran laguna beerayo cudurro kale oo leh Qatar weyn halisna ku ah jiritaanka Qaran soomaali leedahay dib isu taago.
Xaggee bay arrimahu iska qaban la’yihiin, Baydhabo laba shir kuna wada saabsan maamul goboleed, kismaayo mid kale baa horey looga dhawaaqay asna wuxuu u qeybsamay kooxo kala duwan inkastoo koox ay wateen dowlado ka mid kuwa soomaaliya deriska la ah, la buun buuniyey lagana dhigey maamul goboleed jira,laakiin taas aysan meesha ka muuqan markaan ka hadleyno xaqiiqada dhabta ah lagan tago caadifadda qabiilka ku dhisan, loona eego dastuurK iyo sharuucda kale ee dalku leeyahay.
Maadaama ay arrimahaan aysan aheyn kuwo sahlan, haddana sidee xal loogu heli karaa waayo waa calaamado muujinaya kuwo daciifinaya dowladda hadda jirta haddii aysan la imaan “xigmad dowladnimo “ oo kale si looga badbaado iney bilaabato dagaallo sokeeye iyo fowdo kaleba.
Arrimaha is diidan kuma koobna Gobolada Koofureed, waa kuwo ku wada baahsan dalka oo dhan from Raascaseyr ilaa Raaskaabooni, sidaa awgeed in xalkeeda lagu wajaho heer qaran sow ma ahan, laakiin haddii Odeyaal shaqo ku laheyn nadaam dowladeed iyo siyaasi, aqoonyahan qabiili ah Gumeysina dhabarka ka soo taabtay ,waxaay abuurayaan iney curyaamiyaan hawlihii shaqo ee loo egmaday dowladda hadda jirta.
Meesha garangartu ka wareegtay waxaa waaye markii Dastuurkuu dalka u yaaallay la gees maray tusaale dowladdii Saacid waxaay laheyd siyaasad ku dhisan nadaam dowladeed isla markaana lagu dhaqmo dastuurka iyo sharuucda kale ee dalku leeyahay waxaayna aheyd marka la sameynayo Maamul goboleedyada in gobol ,gobol loo xaliyo isla markaana gobol kasta ilaa heer tuulo, heer degmo,ilaa heer gobol loo sameeyo maaamul ku meel gaar ah maadaama aysan jirin fursad ah iney dadka wax doortaan, tan ku meel gaarka ahna aysan aheyn mid dusha looga keenayo ee ay tahay dadka degaanka iska dooranayaan sida odeyaasha , wax garadka, ururada bulshada,aqoonyahanka degaanka iyo siyaasiinta degaanka, waxaayna aheyd waxyaabihii keeney in Maamul lagu sheegey Jubba-land state, laakiin dadku u yaqaaniin Raaskaabooniga Kenya iyo Itoobiya ay si toos ah uga horyimaadeen qorshihii xukumaddii Saacid.
Waxaana is bedelay Madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud,wuxuuna heshiish la galay ninkii ay dhinaca siyaasadda iska guursadeen Kenya iyo Itoobiya waa Axmed Madoobe Raaskaambooni,waxaayna taas keentay in dad badan oo rajo dowladnimo qabay ay ku abuurtey niyad jab weyn, sidaa awgeed waxaa bilaamay shirarka kala duwan ee hadda ka socda Magaalada Baydhabo, isla markaana labada shir Ee ka socda Baydhabo ma ahan kuwo isku ujeedo ah waa kuwa kala ujeedo duwaan,koox waxaay ku doodeysaa iney maamul u sameynayaan lix –gobol,kooaxda kalena seddex-gobol,halkaas waxaa ka muuqda jahawareer siyaasadeed, caqabadna ku ah dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheikh Maxamuud,waxaayna u saameyn doontaa siyaabo kala duwan,una muuqda kuwo muqaal xun ka sameynaya dowladnimada iyo xasilinta dhibaatada soomaaliya ka jirta.
Waxaan u arkaa inuu yahay xalku mid ka duwan sida hadda wax ku socdaan,waddanka soomaaliya wuxuu u baahan yahay midnimo qaran( unitary state),dowlad ku dhisan nadaam Democracy ah,leh axsaab badan laakiin xadidan tiro ahaan, lehna mabaadi, aan aheyn mid qabiil ku dhisan, sinaan iyo caddaalad, in loo sinnaado sharciga uu dalku leeyahay, in mawaadinku guto waajibaadka uu wadankiisu ku leeyahay, islamarkaana in muwaadinku helo xaquuqda uu waddanka ku leeyahay,asagoo aaan cidna marti ugu aheyn,haddii aan sii jilciyo middaan dambe waqtigaan xaadirka ah muwaadiniinta soomaaliyeed ee jooga gudaha waddanka waxaay marti ku yihiin meelo badan,iyagoo marti ugu ah kuwo kale soomaali sheeganaya, sabab kale ma ahan waa qabiil waayo waxaay noqotay meesha anigaa xaar xaartey micnaha qabiilkeyga ayaa iska leh sidaa awgeedna adigu marti baad ku tahay Calanka hoostiisa.
Haddii la doonayo xukun baahsan Descentralised Democracy,waxaa iska leh nadaamka democracy ku dhisan lehna axsaabta badan, 1-person and one Vote, adduunka oo dhanna waqtI tagey ama jooga ama soo socda taas buu u soo halgamay, welina u halgamayaa,una halgami doonaa, laakiin ma ahan Federalism> Federalismkuna waa mid ku yimaada baahi aan maantay ka jirin soomaaliya sidaa awgeed wuxuu soomaaliya ku noqday sun la soo geliyey iyadoo loo isticmaalay kuwo aan laheyn damiir soomaalinimo ,laakin ka fekerayey waxay cunaan kaliya.
Madaama nadaamka Democracy ah yahay xukun baahsan, haddana haddii loo baahdo waxaa waddanka loo qeybin karaa wax la yiraahdo “ Regional Administration” waxyar haddii aan sii faahfaahiyo Regional Administration, tusaale kuwa hadda kaga dhawaaqay Baydhabo Maamul Goboleed ka kooban lix Gobol, wuxuu noqon lahaa mid qurux badan haddii loo fahmi lahaa sida ay tahay waxaana meesha ka bixi lahaa maamulo qabiil ku dhisan,laakiin markii aan dersay waqti dheerna aan la socday afkaarta meeshaas taalla iyo sida ay dadka qaarkiis u dhaqmayaan ma ahan wax shaqeyn kara waayo dhinicii wanaagga waxaay ku bedeleen dhinac xun kuna dhisan qabiil, arrimaha aan ku dhaliilayo waxaa ka mid ah, waxaay ku leeyihiin waxaan maamul u sameyneynaa lix Gobol waxaana iska leh D&M, taas waa midda aan u arko iney fashilisey,midda kale maalmo ka hor kooxda ku dhegan lix gobol in maamul loo sameeyo waxaay madasha shirka ku soo bandhigeen Riwaayad ku hadleysa Afka Maay-ga ,taasna waa mid taageereysa waxaa maamul u sameynaya Lixda Gobol Dadka ku abtirsada D&M, taasna waa fashilka labaad, midda seddexaad ahna waxyaabaha aan u bogin qaladkana ah waxaa waaye , maalinttii ciidamada Amisom ay madashii shairku ka socday galeen kalana eryeen dadkii halkaas iskugu yimid ,markii ay arrintaas ka cabanayeen qaarkood waxaay ku baaqayeen inuu guddoomiyaha Baarlamaanka Jawari soo fara geliyo erayada ay isticmaalayeenna waxaa ka mid ahaa sidatan: Jawari waa Goboladii D & M waxa ay dhibaatadu ka socoto, taasna waxaay aheyd fashilkii seddexaad ku yimid kooxdii aaminsaneyd iney maamul u sameeyaan Koofur-Galbeed Soomaaliya Lixdaas Gobol.
Laakiin haddii caqliga iyo aqoontaba loo adeegsan lahaa dhinaca wanaagsan kana fog caadifadda qabiilka ku dhisan waxay noqon laheyd wax lagu deydo marka la doonayo waddanka dowladnimo laga dhaqan geliyo si aan u soo ceshanno qarannimadeenii naga luntay waqti hore.
Waddanka oo dhan baa waxaa loo sameyn karaa Regional Administration, ilaa afar ama shan qeybood midwalbana yeesha xarun u ah caasimad, laakiin Gobolada ku midoobaya ay mid walba yahay gobol ahaantiisii, Tusaale Gobolada hadda la isku yiraahdo Koofur-Galbeed kana kooban lixda Gobol waxaa laga yabaa in lagu soo kaabo shan(5 Gobol) waxaan ka jari lahaa Gobolka Shabeelada Hoose, haddii loo garto in lagu darana dhibaato ma lahan waa wax wanaagsan, sidoo kale Gobolada Waqooyi –Galbeed iyana qeyb, Gobolada Barigana iyagana qeyb kale welibana qeybtaas la raaciyo Dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay Gobolka mudug, xattaa haddii lagu daro Gobolka Galgaduud waaba ka sii wanaagsan tahay waayo waxaan iska ilaalineynaa in waddanku sidaa ku bur buro marka dowlado qabiil ku dhisan laga hirgeliyo waana fool xumo weyn.
Sidaa awgeed waxaan u arkaa nadaam leh muuqaalkaas inuu soomaaliya xal u yahay, arrintaan ma ahan leh lagu sameeyey baaris cilmiyan si hoose, laakiin waa mid aan aaminsanahay iney leedahay muuqaal wanaagsan ahna wax ka fiican dowladaha qabiilada ku dhisan, waayo marka wax la dersayo waxaa laga qaataa waxa ugu wanaagsan uguna faa’iidada badan lehna anfaca.
Nin dadka cilmiga maadiga ku fogaaday baa wuxuu yiri waxa cilmiga la yiraahdo haddii uusan aheyn wax qurux badan aniga dan igama heyso,markaas su’aal baa la weydiiyey oo aheyd sidee cilmigu ku noqon karaa wax qurux badan ama lagu nasbeeyo qurux waayo waxa quruxda badan waxaan u aragnaa iney yihiin wax indhahu qaban karaan tusaale sida gabar qurux badan, guri qurux badan, ubax qurux badan,gaari qurux badan waayo dhammaantood waa wax aan wada arki karno,haddana la taaban karo, laakiin cilmiga miyaan arki karnaa ama taaban karnaa , markii si philosophical ah loo fekero cilmigii wuxuu noqday wax lagu mataali karo sida wax qurux badan oo kale, Ninkii markii su’aashii la weydiiyey wuxuu ku jwabaay sidatan wuxuu soo taaqatay tusaale, wuxuuna yiri haddii aan xal u dooneyno hal arrin ah ama one case waxaa laga yabaa in arrintaas lagu xalin karo siyaabo kala duwan ilaa shan ama lix qaab lagu xalin karo kuligoodna waa xal mid walba,laakiin markii la is barbardhigo midbaa waxaay noqoneysaa midda ugu wanaagsan ama ugu haboon in xal lagu gaaro, inta kale oo dhanna waa wada xal , hal mid baa ah midda ugu fiican taas baa waxaay noqotay middii ugu qurux badneyd sidaa buu cilmigu ku noqday wax qurux lagu nasbeeyo, haddaba soomaalida waxaay u muuqataa mid xal ka raadisa meel aan xal ka jirin haddana ah meesha ugu fool xun, sidaa awgeed Regional Administration waa midka ugu qurux badan soomaaliya iney qaadato isla markaana iney sidaa isku xaliso.
Waddanka Fransiisk wuxuu ka kooban yahay 22 regions,including Corsico, the regions are subdivided into 96 departments,the departments are subdivided into 342 arronddissements,the arrondissements are subdivided into 3,883 cantons, the cantons are subdivided into 36,569 communes ( kuwa waaweyn communes qaar baa noqda several cantons),isla mar ahaantaasna fransiisku waa wadan democracy ah haddana unitary state ( midnimo qaran) sidaa awgeed soomaalida waxaan u sheegayaa shaqsiyaad gumeysi dhabarka ka soo taabtay,isla markaana doonaya iney sida aad aragteen dhiigiina u jaqaan sida “Gafanihii” oo kale waxba ha ka sugina wax wanaag ah idiin ma soo wadaan, waxa maantay taagan waa wixii uu ka dhashay kacaankii 21 Octoober 1969, xaqiiqada dhabta taas waaye.
Waxaan aad ula yaabaa qof sheeganaya inuu yahay madaxweyne qabiil,haddana kuwo kale leeyihiin soomaaliya wax u qabo geesi baad tahay, nin baa laga sheegey war ma anigaa walaan mase cadan baa laga heesayaa, qofkani maadama uu yahay madaxweyne qabiil,soomaalida kale ee qabiilada kale ah, ma waxaay ka sugayaan inuu wax u sameeyo waayo haddii uu yahay aqoonyahan soomaali ah kana caafimaad qaba qabyaaladda siyaasadeysan kuma galeen reer hebel baan ahay ha la I doorto, qofku urur siyaasadeed waa furan karaa, koox ay isku feker yihiin waa ka mid noqon karaa waana oran karaa soomaaliya xal baan u raadinayaa,laakiin madaxweyne qabiil baan ahay, dad noocaas ah baad ku arkeysaa iyagoo ku xiiqsan Microphonada, kana soo muuqanaya shaashadaha Tv-yada ku adka afka soomaaliga ah ,kuwa noocaas ah aad baan ula yaabanahay ,waxaayse ka sii daran kuwa ka sugaya iney xal soomaalinimo ku dhisan u keenaan, kuwa dhabarka ay kaga taalo shabbadda gumeysiga, iyaga ruuxooda waa la kala leeyahay, sida xoolaha loo sunto si aysan iskaga darman mulkilayaasha xoolaha sidaa baa loo suntaa, sidaa awgeed gumeysiguna ninba kooxda uu leeyahay summaad bay u leedaahay.
Suldhabaale waa hadal haddana waa si gooni ah, sidaa awgeed sumaddu waa mid leh dhaqan gooni ah, afkaar gaar ah, dhammaantoodna waxaay lid ku yihiin soomaalinimada, is jecelka ummadda, midnimadooda,shalayna waxaay ahaayeen kuwii kala geeyey ummadda soomaaliyeed, dumiyey qarankii soomaaliyeed, kuna bedelay qabiil in darajo iyo xukun lagu kasbaddo qabiil la hubeeyey, laakiin taas markii ay kala kulmeen jab iyo halaagba, waxaay miciin bideen iney yiraahdaan reer hebel baan nahay dowlad baan nahay, qaran reer hebel baan nahay, calan reer hebel baan leenahay,ciidamo qaran reer hebel baan leenahay, waxyaabahaas iyo kuwo badan oo aad iyo u fool bay ku soo kordhiyeen soomaaliya.
Regional Administration-ku wuxuu meesha ka saarayaa dadka qabyaaladda siyaasadeysan wax ku doonaya iyo iney soomaaliya noqoto dowlado qabiil ku dhisan , taasna ma ahan mid ay ku dhismeyso dowlad qaran oo soomaali leedahay. Waxaa ku dhismi doona dowlado qabiil oo ay leeyahay dowlado shisheeye sida kuwa deriska la ah soomaaliya, siyaasad qabiil iyo siyaasad qaran ma ahan wax heshiin kara.
W/Q.Dr Dahir Nur Jama ( Dr Truman)
nuur_712345@outlook.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com