Dhageyso:Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyey Wasiirada Cusub

0

Garoowe(AGGM): Baarlamaanka Puntland ayaa maanta cod buuxa ku ansixiyey Golaha Wasiirada ee uu soo magacaabay Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kooramka aqalka  baarlamanka Puntland waxaa fadhiyey 56 mudane oo gudoomiyuhu ku jiro, waxaana codeeyey 55 mudane oo si gacantaag ah kalsoonida u siiyey xukuumada cusub oo ka kooban 47 wasiir, wasiir ku xigeeno iyo wasiiru-dowlayaal isugu jira.

Kalfadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa maanta furay Guddoomiyaha Baarlamaanka Siciid Xassan Shire, isagoo ka hor akhriyey baarlamaanka ajendaha maanta oo ah inay dhageystaan qorshaha xukuumada cusub ee uu soo dhisay Madaxweyne Gaas iyo cod u qaadista ansixinta Golaha Wasiirada.

Waxaa Kalfadhiga khudbad dhinacyo badan taabatay kasoo jeediyey Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo ka hadlay qorshaha xukuumadiisa iyo waliba habkii uu kasoo xulay.

Madaxweyne Dr. Cabdiweli ayaa baarlamanka u akhriyey waxqabadka ay hiigsanayso xukuumadiisa iyo himilooyinkeeda, wuxuu ku celceliyey inay ka dhabayn doonaan fulinta balanqaadkoodii ahaa wax qabad iyo horumar la taaban karo.