Dhageyso:Wasiirka Amniga oo iskugu yeeray Saraakiisha Ciidamada iyo Gudoomiyaasha degmooyinka Muqdisho

0

Muqdisho(AGGM): Wasiirka Amniga Qaranka  Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa Maanta iskugu yeeray Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya  Gudoomiyaha Gobolka Gudoomiyaasha 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir si wax looga Weydiiyo Amaanka Magaalada Muqdisho oo ay Xalay ay ka dhaceen Qaraxyo iyo Hoobiyaal lagu soo Weeraray.

Kulanka ayaa waxaa uu ka soconaya Xaruunta Gobolka Banaadir,waxaana kulanka Banaanka ka jooga Warbaahinta,ayadoona Diirada lagu Saarayo sida ugu macquulsan ee Amaanka Loo Xaqiijin karo.

Waxaana sidoo kale kulanka la isla soo qaadi doonaan sidii Baaritaan Xoogan loogu Sameynlahaa Waxii Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho islamarkaana ay wax ka qaban doonaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysi arintaas kusaabsan

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com